Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: In ka badan 33 kun oo ARDAY ah oo u fariistay imtixaanka dugsiyada sare

Recommended Posts

Deeq A.   
349283663_932890284656179_31345262295892

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya iyo gobollada dalka waxaa maanta si isku mid ah uga billowday imtixaanka qaran ee dugsiyada sare oo ay qaadesyo wasaaradda waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare ee dowladda.

Imtixaankan oo ay u fariisteen in ka badan 33 kun oo arday ah ayaa waxaa daah-furay, ku simaha ra’iisul wasaaraha dalka, ahna ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, waxaana sidoo kale wehlinayay wasiirka waxbashada Soomaaliya.

Saalax ayaa marka hore faahfaahin ka bixiyay marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray geeddi socoka waxbarashada, isaga oo shaaciyay in haatan meel wanaagsan uu marayo

“Si dhow ayaan ula soconay howsha ka socotay wasaaradda waxbarashada xilligii hore, dowladdii hore, tii ka horreysay, illaa tan ama geeddi socoka waxbarashada, waxaa hubaal in maalinta maalinta ka dambeysa in tayada waxbarasho oo uu helayo muwaadinka Soomalaiyeed ay kordheyso,” ayuu yiri ku simaha ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu guul u rajeeyay dhammaan ardayda Soomaaliyeed ee maanta u fariisatay imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare ee dalka.

“Guul iyo gobanimo ayaan u rajeyneynaa dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhalinyarada ardayda ah ee maanta imtixaanka mareysa, imtixaankana waa furan yahay” ayuu raaciyay.

Dhanka kale, wasiirka waxbashada Faarax Sheekh Cabduqaadir oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in sanadkan ay imtixaanka galayaan illaa 33,700 oo arday, isla-markaana lagu galayo 114 goobood oo ku kula yaalla gudaha magaalada Muqdisho iyo gobollada dalka.

“Imtixaanadu waxa ay ka dhacayaan 114 goobood oo dalka qaybihiisa kala duwan ka tirsan waxaana ka qayb-galayaa 33,700 oo arday” ayuu yiri wasiir Faarax Sheekh Cabduqaadir.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Waxaan aad iyo aad ugu rajeynayaa ardayda iyo waalidiintoodaba si guul in imtixaanka uu ugu dhammaado,”

Ugu dambeyn wasiirka waxbarashada ayaa soo hadal qaaday cabashada kasoo yeereyso qaar kamid ah ardayda Soomaaliyeed ee ku aadan imtixaanka, wuxuuna sheegay in ka wasaarad ahaan ay baaris sameeyeen, isla-markaana ay kasoo baxday natiijo wanaagsan.

347231143_1265405484337435_8369374478842 347232374_169501196090667_18950483271966 349073291_238886382068055_69643615906633 349283663_932890284656179_31345262295892 349728087_2165848596949496_7019677268123 350010133_953417549332420_89200707953490 350094973_790098382475866_87220904998933 350104001_6175281999251523_8982163504902

The post Sawirro: In ka badan 33 kun oo ARDAY ah oo u fariistay imtixaanka dugsiyada sare appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this