Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaramada Midoobay oo si adag u cambaaraysay weerarkii Al-shabaab ee Buulo-mareer

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, Csaba Kőrösi, ayaa si adag u cambaareysay weerarradii shalay lala beegsaday ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS, saldhiggooda magaalada Buulo Mareer.

Wuxuu tacsi u diray ehelada dadkii ku dhintay, sidoo kale shacabka iyo dowladda Uganda iyo Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu u rajeeyay caafimaad deg deg ah dadkii ku dhaawacmay.

“Argagixisadu nooc kasta oo ay tahay iyo muuqaalkeeda waxay ka dhigan tahay khatar weyn oo ku wajahan nabadda iyo ammaanka caalamiga ah.” ayuu yiri Csaba Kőrös.

Guddoomiyaha golaha loo dhanyahay ayaa ‘hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in cadaaladda la horkeeno kooxihii ka dambeeyay weeraradaasi.

PUNTLAND POST

The post Qaramada Midoobay oo si adag u cambaaraysay weerarkii Al-shabaab ee Buulo-mareer appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this