Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo qaabilay xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Gobolka Ohio ee dalka Maraykanka

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1685178586855.jpg?resize=720%2C64

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta qaabilay Xildhibaan
Ismaaciil Cali Maxamed oo kamid ah Xildhibaanada Gobolka Ohio ee Dalka Maraykanka iyo wafdi uu hoggaaminayo oo uu kujiro Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaalida Gobolka Ohio Mudane Cabdi Aaden Geesay.

Xildhibaanka ayaa ka mid ahaa korjoogtada u timi Doorashadii Goleyaasha Deegaanka Puntland ee qabsoomtay 25-kii May, wuxuuna maalintii Doorashada booqday goobaha codeynta isagoo kormeeray sida habsamida leh ee Doorashadu u socotay.

Waxaa kulanka Madaxweynaha kala qeybgalay Xildhibaan Maxamed Ismaaciil Maxamed (Siibad) oo ka mid ah Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Ahna Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Mustaqbal, Wasiiro ka tirsan Dowladda, La-taliyeyaal Madaxweyne, Maamulka Gobolka Bari, kan Degmada Boosaaso, Saraakiil Madaxtooyo iyo marti sharaf kale.

FB_IMG_1685178581678-1.jpg?resize=720%2C FB_IMG_1685178590615.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1685178600054.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1685178621859.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1685178595300.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1685178633332.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1685178617409.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1685178652458.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1685178656202.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1685178665655.jpg?resize=720%2C68

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo qaabilay xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Gobolka Ohio ee dalka Maraykanka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this