Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya oo ku sugan Moscow + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
2023-05-26T105113Z_1998305144_RC2961APH2

Moscow (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac Huruse ayaa booqasho ku tegay magaalada Moscow ee dalka Ruushka, halkaasi oo uu wada-hadallo kula yeeshay dhiggiisa Sergey Lavrov.

Lavrov ayaa hadal kooban, oo uu jeediyey markii uu soo dhoweynayey Abshir, wuxuu ku sheegay in ayada oo la isku haleynayo guulihii la gaaray tobanaankii sano ee tegay, ay labada dal si firfricoon u horumarinayaan una xoojinayaan iskaashigooda dhinacyo badan.

Waxa uu sheegay inay marinno laba geesood ah uga shaqeynayaan ajendayaasha gobolka, kuwa Qaramada Midoobe iyo masraxyada caalamiga ah.

“Maanta waxaan aragnaa fursad wanaagsan oo aan dib ugu eegno ajendaha iskaashiga, oo aan ka wada hadalno halka ay lagama maarmaan tahay inaan kor u qaadno dadaalkeenna iyo in mowduucyo dheeri ah lagu soo dari karo,” ayuu yiri Lavrov.

“Waxaan sidoo kale ka wada hadli doonnaa u diyaar garowga shir madaxeedka Ruushka iyo Afrika oo dabayaaqada bisha Luulyo ka dhici doona magaalada St. Petersburg,” ayuu yiri.

Labada mas’uul ayaa kadib guda galay wada-hadallo, balse weli wax qoraal ah lagam soo saarin natiijadooda.

2023-05-26T104950Z_375683361_RC2961A1H48

2023-05-26T105140Z_17993476_RC2961AGT9IF

2023-05-26T105037Z_848129294_RC2961AAAF0

2023-05-26T105715Z_494445188_RC2961AP21F

2023-05-26T105414Z_1119319789_RC2961AYJS

2023-05-26T092925Z_787411673_RC2861AL37G

000_33G996Y-scaled.jpg?resize=696%2C489&

The post DEG DEG: Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya oo ku sugan Moscow + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this