Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Puntland oo bogaadiyay sida ay u qabsoontay doorashada qof iyo cod

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Deni oo xalay hadal kooban jeediyay ayaa bogaadiyay sida nabdoon ay u qabsoontay doorashada qof iyo cod ee Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa u mahadceliyay guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland, ciidamada dowladda iyo dhammaan hawl-wadeennadii ka shaqeeyay qabsoomidda doorashada.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale u mahadceliyay dhammaan ururrada siyaasadda ee ka qayb qaatay doorashada qof iyo cod, islamarkaana dadaalka geliyay in ay codka weydiistaan bulshada.

Dhinaca kale, waxa uu sheegay in dareenka bulshada Puntland u qabto doorashada qof iyo cod uu taagan yahay meel aan laga soo noqon karin oo ay tahay in madaxdooda ay ku doortaan nidaamka qof iyo codka.

Halkaan ka daawo codka madaxweynaha

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Puntland oo bogaadiyay sida ay u qabsoontay doorashada qof iyo cod appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this