Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: DF oo soo bandhigtay hubkii ugu badna oo lagu qariyay guri ku yaal…

Recommended Posts

Deeq A.   
349101451_1188944451779291_4304862705380

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda ayaa weli magaalada Muqdisho ka wada howl-galo ballaaran oo qeyb ka ah xaqiijinta amniga caasimada iyo dagaalka ka dhanka Al-Shabaab, ayaa caawa gacanta kusoo dhigay hubkii ugu badna.

Hubkan oo lagu qarinayay gurri ku yaalla xaafada Tarabuunka ee degmada Hodan ee magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale waxaa ku jira noocyo kamid ah dharka ciidanka, hub kale oo ay ku jiraan qaraxyo iyo rasaas badan.

Ciidamada ayaa kasoo saaray hubkaan iyo agabka kale ee lagu qariyay gurigaasi, waxayna warbaahinta dowladda ay soo bandhigtay sawirada hubkaan la qabtay.

Waxaa illaa iyo hadda ciidamada fuliyay howl-galkaan ay gacanta kusoo dhigeen laba eedeysane oo loo haysto arrinkaan.

Sidoo kale waxaa jira shaqsiyaad kale oo lagu daba joogo, kuwaasi oo baxsad ah, sida ay saraakiisha ciidamada ammaanka u sheegeen warbaahinta dowladda.

Isla maanta galinkii dambe ayay aheyd markii ay ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ay gacanta kusoo dhigeen hub culus oo ay ku jiraan qaraxyo iyo gaadiid.

Howl-galkaas oo ahaa mid qorsheysan oo ciidanka NISA ay ka fuliyeen gudaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho iyo goobo kale oo ka agdhaw ayaa waxaa lagu soo qabtay laba xubno Shabaab ah oo kamid yahay darawalka waday gaariga hubka lagu qabtay.

Walxahan ayay kooxda Al-Shabaab ay doonayeen inay ku dhibaateeyan shacabka Soomaaliyeed, waxayna iskugu jiraan bambooyinka gacanta laga tuuro, qoryo waaweyn iyo rasaas aad u tira badan.

Hay’adaha ammaanka ayaa sida muuqata ku guulaystay inay fashiliyaan dhagarta aan muuqan ee kooxda Al-Shabaab, iyada oo dhawaan dekedda iyo garoonka Muqdisho ku qabatay saanad ciidan oo kooxda loo waday.

Si kastaba, Magaalada Muqdisho ayaa waxaa muddooyinkii dambe ka socday howl-gallo culus oo amni xaqiijin ah, kuwaas oo deganaasho nay ku dareemeen reer Muqdisho, maadaama ay yaraadeen falalkii ammaan darrida, sida weerarada qaraxyada, dilalka iyo falalka dhaca ah.

349351414_660680249230105_89362265624141 349333410_237886545537342_61026844589502 349001945_602542941852882_18021946288232 349073256_636152951387294_75644782439983 349085724_930921038175493_21743996857667 349066300_969063324096098_28633850444200 349101451_1188944451779291_4304862705380

The post Sawirro: DF oo soo bandhigtay hubkii ugu badna oo lagu qariyay guri ku yaal… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this