Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirka Golaha Wasiirada ee maanta oo laba warbixin lagu soo bandhigay + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
349280413_3549009728661228_7272940407416

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii todobaadlaha ahaa ku yeeshay gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya, kaas oo lagu soo bandhigay laba warbixin oo muhiim ah.

Kulanka ayaa waxaa shir guddoomiyay ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac, maadaama uu weli ra’iisul wasaaruhu safar ugu maqan-yahay dalka Masar.

Labada warbixin ee shirka diiradda lagu saaray midood waxaa lagu gorfeeyay xaaladda bani’aadanimo ee ka taagan Beleweyne oo ay dhowaan ku dhufatay fatahaad xoogan.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ayaana golaha u soo bandhigtay warbixin la xiriirta Fatahaadda Wabiga Shabeelle uu ka sameeyey Gobolka Hiiraan, taas oo saameyn xoog leh ku yeelatay nolosha dadka iyo duunyada ku nool deegaannada uu wabigu ku fatahay.

Sidoo kale warbixinta labaad ayaa looga hadlay imtixaanka shahaadiga ah ee ay sanadkan qaadeyso dowladda federaalka, kaas oo haatan aad loogu diyaar garoobayo.

Dhankeeda wasaaradda waxbarashada, hidaha iyo tacliinta sare ayaa shirka kusoo bandhigtay warbixin ku aaddan u diyaar garowga imtixaanka qaran ee dugsiga sare, gaar ahaan fasalka 4aad ee sannad dugsiyeedka 2022-2023.

Golaha wasiirada ayaa sidoo kale kulankooda kusoo hadal qaaday howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee weli ka socda gobollada dalka, kaas oo guul weyn laga gaaray.

Golaha ayaa boggaadiyay ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka, gaar ahaan guulihuu u dambeeyay ee ay ka soo hoyeen howlgallada xoreynta ee ka socda dalka.

“Golaha ayaa bogaadiyey guulaha ay ciidammadu ka gaareen dagaalka looga sifeynayo dalka kooxaha Khawaarijta iyo hirgelinta qaraarkii Golaha Wasiirrada ee nidaaminta Bajaajta caasimadda oo dhaqan galay maanta oo khamiis ah” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay shirka golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya.

348555847_3569402206717184_5125733451084 348653935_644055031070172_61425538078394 349146046_931566494731523_90906353644129 349180159_917925039266937_70360496256067 349280413_3549009728661228_7272940407416

The post Shirka Golaha Wasiirada ee maanta oo laba warbixin lagu soo bandhigay + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this