Sign in to follow this  
Deeq A.

Doorasho qof iyo cod ah oo maanta ka socota Puntland iyo wararkii u dambeeyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa deegaanada Puntland si rasmi ah uga bilaabatay doorashada qof iyo cod ee golaha deegaanka ee Puntland.

Waxay doorashada ka dhaceysaa soddon degmo oo ku kala yaalla Mudug, Bari, iyo Sanaag iyo deegaano kale oo Puntland ah marka laga reebo gobolka Nugaal oo ay xarun u tahay Garoowe.

Guddiga doorashada ayaa codeyntii halkaas ka dhici laheyd dib u dhigay khilaaf hubeysan iyo rabshado gobolka ka dhacay, iyadoo ciidamo hubeysan oo doorashada kasoo horjeeda ay meelaha qaar la wareegeen sanduuqda codbixinta.

Ilaa 319,000 oo qof ayaa la filayaa in ay codkooda dhiibtaan, inkastoo dadka kaadhadhka qaatay ay intaa ka badan yihiin.

Bulshada reer Puntland ayaa safaf dheer ugu jira in ay codkooda dhiibtaan waxaana si nabad gelyo ah ku socota codaynta doorashada qof iyo cod, sida ay Somalilandtoday u xaqiijiyeen dad goob-joogayaal ahi.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this