Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Ujeedka saraakiil sare oo dowladda Turkiga ay usoo dirtay Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
349096345_608964377640831_57509585490184

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa soo gaaray saraakiil sar-sare oo ka socda Booliska dalka Turkiga.

Wafdigan culus oo ka socda Booliska Turkiga ayaa waxaa garoonka Muqdisho kusoo dhaweeyay taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Cismaan Cabdullaahi Maxamed (Kaniif) iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Booliiska Soomaliyeed.

Wararka ayaa sheegaya in saraakiishan ay u yimaadeen  in ay booqdaan, Ciidanka Booliiska Gaarka ah ee Haramcad oo ay Dowladda Turkigu tababarto, kuwaas oo qayb weyn ka qaatay amniga magaalada Muqdisho oo ay haatan ka howlgalaan.

Wafdiga oo ka koobnaa Afar sarkaal ayaa dhamaantood ka socday ciidanka Ozel Harakat. Waxeyna kala yihiin:

1: Taliyaha özel Harekat

2: Taliyaha Arimaha Dibadda

3: Taliye kuxigenka Arimaha Dibadda

Iyo Sarkaal katirsan özel harekat.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in booqashada wafdigan ay qaadan doonto muddo dhowr cisho ah, isla-markaana ay kulmi doonaan madaxda dowladda Soomaaliya.

Turkiga ayaa haatan ah dalka koowaad ee milatariga ka taageero Soomaaliya, wuxuuna tababar siiyaa ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo dagaal adag kula jira Al-Shabaab.

Si kastaba, Turkiga ayaa haatan wajaha doorashada adag oo la’isla aaday wareegga labaad, ayada oo dadka Soomaaliyeed ay taageero u muujiteen Recep Tayip Ordogan.

348919421_259361056616512_90504935668920 348926670_262018349662476_63022429373127 348974281_829262435349756_88299443662484 349096345_608964377640831_57509585490184 349110612_220919734028296_72694757149177 349193851_806530980854347_91986912416778

The post Sawirro: Ujeedka saraakiil sare oo dowladda Turkiga ay usoo dirtay Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this