Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya iyo laba dal oo kale oo helay kaalmo dhaqaale oo kor u dhaafeysa laba bilyan oo dollar

Recommended Posts

Deeq A.   
348829264_781205860286607_37806633708106

New York (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga XFS Abshir Cumar Huruuse ayaa maanta ka qayb-galay shir heerkiisu sarreeyo oo dhaqaale loogu aruurinayey waddamada geeska Africa, gaar ahaan Ethiopia, Kenya iyo Soomaaliya.

Saddexdan dal ayaa waxaa saamayn ku yeelatay abaar ka dhalatay shan xilli roobaad oo baaqday ama aan si wanaagsan u di’in intii Gu’gan ka horreysay, iyo sidoo kale fatahaadda ka dhalatay roobabka Gu’ga oo saameeyey qaar kamid ah gobolada dalka.

Shirkaan oo si wadajir ah u soo agaasimeen dowladaha Maraykanka, Ingiriiska, Talyaaniga, Qatar iyo ururka Qaramada Midoobey u qaabilsan isku dubaridka gargaarka UN-OCHA ayaa waxay deeq-bixiyeyaashu ku ballan-qaadeen bixinta gargaar lacageed oo gaaraya 2 bilyan iyo saddex boqol oo milyan oo dollar ($2.3B).

Kaalmadan cusub ayaa waxaa loogu talo-galay in lagu taageero dadka ay abaaruhu horay u saameeyeen ee dalalka Ethiopia, Kenya iyo Soomaaliya.

Shirkan oo socday muddo kooban ayaa waxa uu wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ka jeediyey khudbad koobeysey saamaynta xaaladahani ku reebeen dadka Soomaaliyeed ee nugul iyo hab nololeedkooda sida beeraha, xoolaha iyo dhammaan kaabayashooda nololeed.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale shirweynahan la wadaagtay waxyaabaha qeybta ka ah abaaraha soo noq-noqday iyo isbeddelka cimiladda.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa ka jirta abaar saameyn taban ku reebtay in ka badan 8 Milyan oo ruux, oo ay kamid yihiin 2.5 Milyan oo xaalad nafaqo darro ku heysato gobolada dalka.

349018218_180563848291055_17759913045026 348829264_781205860286607_37806633708106 348714795_764816695022634_58920069250382 348957681_558041673193066_31756984278128 348584902_745533767274209_62109901530206

 

The post Soomaaliya iyo laba dal oo kale oo helay kaalmo dhaqaale oo kor u dhaafeysa laba bilyan oo dollar appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this