Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo hakisay doorashada saddex degmo oo ka tirsan Gobolka Nugaal

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiga doorashooyinka KMG ah ee Puntland ayaa hakiyay doorashada saddex degmo oo ka tirsan Gobolka Nugaal.

War-saxaafadeed ka soo baxay guddiga ayaa lagu go’aamiyay in la hakiyo doorashada saddexda degmo ee kala ah; Garoowe, Godobjiraan iyo Dangoroyo oo dhammaantood ka tirsan Gobolka Nugaal.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in doorashada saddexdaas degmo loo hakiyay sababa amni kadib dhacdooyin amni-darro oo ka dhacay Garoowe.

Doorashada golayaasha degaanka Puntland oo ku salaysan qof iyo cod ayaa lagu wadaa in ay maalinta berri ah oo ku beegan 25 May ka qabsoonto 30 degmo oo ka tirsan Puntland.

IMG-20230524-WA0000.jpg?resize=1000%2C12

PUNTLAND POST

The post Puntland oo hakisay doorashada saddex degmo oo ka tirsan Gobolka Nugaal appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this