Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxii Hawlgllada Dibadda Al-shabaab oo la dhaawacay

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxii hawlgallada dibedda ee ururka al-Shabaab ayaa lagu dhaawacay duqayntii Sabtidii ka dhacday Jilib, sidaas waxaa sheegay dowladda Soomaaliya.

Cusmaan Maxamed Cabdi, oo ku magacdheer Macallin Cusmaan ayaa lagu dhaawacay duqayntaas. Ilaa hadda ma cadda nooca dhaawaca soo gaaray.

War-saxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Cusmaan uu kooxda u qaabilsanaa arrimaha dibedda, keenista ajaanibta ee dalka iyo fududaynta kala gudbinta fikradaha.

Dowladda ayaa sheegtay in marka la bartilmaameedsaday uu guri ku dhuumanayey.

Taliska ciidamada Maraykanka ee AFRICOM ayaa sidoo kale xaqiijiyay in qiimaynta lagu sameeyey hawlgalkaas in mid ka mid ah hoggaamiyayaasha al-Shabaab lagu dhaawacay.

AFRICOM ayaa intaas ku daray in hawlgalkan iskaashi lagala sameeyey dowladda federaalka ee Soomaaliya.

PUNTLAND POST

The post Madaxii Hawlgllada Dibadda Al-shabaab oo la dhaawacay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this