Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya oo New York uga qeyb-galeysa shir heer sare ah iyo Huruuse oo gaaray

Recommended Posts

Deeq A.   
349000834_1295064478095049_5137477539306

New York (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah mudane Abshir Cumar Huruuse ayaa gaaray magaalada New York ee dalka Mareykanka, halkaasi oo uu kaga qeyb-galayo shir heerkiisu sarreeyo.

Shirkan ayaa waxaa yabooh dhaqaale loogu sameyn doona dalalka Geeska Afrika oo qeyb ka tahay Soomaaliya, oo sanadihii dambeeyay ay abaaruhu saameyn xooggan ku yeesheen.

“Waxaan saaka soo gaaray magaalada New York si aan uga qayb-galo shir heer sare ah oo yabooh dhaqaale loogu samayn doono wadamada geeska Afrika ee sanadihii la soo dhaafay ay abaaruhu saamaynta xun kaga tageen” ayuu yiri Wasiir Huruuse.

Soomaaliya ayaa waxay shirweynaha la wadaagi doonta waxyaabaha qeybta ka ah abaaraha soo noq-noqday iyo isbeddelka cimiladda, sida uu shaaciyay wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah.

“Waxaan shirka la wadaagi doonaa waxyaabaha qaybta ka ah abaaraha soo noqnoqday iyo daadadka xilli roobaadka, oo ay ugu weyntahay saamaynta isbeddelka cimiladu.”

Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa ka jirta abaar saameyn taban ku reebtay in ka badan 8 Milyan oo ruux, oo ay kamid yihiin 2.5 Milyan oo xaalad nafaqo darro ku heysato gobolada dalka.

349000834_1295064478095049_5137477539306 349008841_747871843706924_18438152461838

The post Soomaaliya oo New York uga qeyb-galeysa shir heer sare ah iyo Huruuse oo gaaray appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this