Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Turkiga u qaabilsan Somaliland.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland mudane Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Turkiga u qaabilsan Somaliland mudane Harun Arslan.

Kulankan ayay ujeedadiisu ahayd is-xog-waraysi guud oo ku qotoma xidhiidhka guunka ah ee ay waddaagaan labada dal ee Somaliland iyo Turkiga. Waxaana diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa xidhiidhkaasi iyo iskaashiga labada dawladood gaar ahaan dhanka Garsoorka, maadaama Dawladda Turkigu tahay dawlad Islaam ah oo aynu wax badan iskaga mid nahay marka ay noqoto nidaamka Garsoorka, geesta kale guddoomiyaha ayaa tibaaxay xidhiidhka taariikheed ee ay wadaagaan labada dal.

Wakiilka ayaa guddoomiyaha uga mahad-celiyay soo dhawaynta, waxaanu hoosta ka xarriiqay in ay dhankooda diyaar u yihiin in ay balaadhiyaan wada-shaqaynta ka dhaxaysa Somaliland iyo Turkiga, gaar ahaan iskaashiga la xidhiidha Garsoorka iyo cadaaladda. Waxaanu dhankiisa is-dul-taagay ahmiyada uu ku fadhiyo xidhiidhka taariikheed iyo xadaaradda ay wadaagaan dalalka Somaliland iyo Turkigu.

Gunnaanadkii kulanka dhex maray Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Wakiilka Dawladda Turkiga u qaabilsan Somaliland ayaa ku soo dhammaaday is-fahan buuxa iyo is-af-garad.

Allaa mahad leh

Ibraahin Maxamed Cali

Madaxa Waaxda Warbaahinta Maxkamadda Sare

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this