Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliska Booliska oo shaaciyay magacyada iyo sawirada askar uu rusqeeyay

Recommended Posts

Deeq A.   
Askar.jpg?fit=720%2C711&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta shaaciyay in ciidanka Booliska laga rusqeeyay laba askari, kadib markii ay ku kaceen anshax xumo.

Labadan askari ayaa lagu kala magacaaba Cabdi-Saaq Aadan Calasoow iyo Cabdullahi Maxamed Axmed, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay taliska qeybta guud ee Booliska gobolka Banaadir.

Taliska Booliska ayaa sidoo kale waxa uu soo bandhigay sawirada labadan askari, oo uu sheegay inay ku kaceen fal akhlaaq-daro iyo anshax xumo ah.

“Waxa ayna jabiyeen (labadan askari) waajib Diini ah kadib markii ay maalin soon ah bulshada dhaxdeeda balwad iyo cuno xaaraam ah ku dhex cuneen, iyaga ooo aysan jirin sabab caafimaad daro,” ayaa lagu yiri qoraalka Booliska.

Ruqseynta askartaan ayaa waxa uu taliska ku wargeliyay hay’adaha amaanka caasimadda iyo shacabka ku nool magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Taliska ayaa sidoo kale waxa uu soo bandhigay sawirada labadan askari, si ay u fududaato inay aqoonsadaan bulshada Soomaaliyeed.

Tallaabadan ayaa imanaysa xilli ay dowladda dib u habeyn ku wado ciidanka, gaar ahaan kuwa ka howl-gala caasimada, islamarkaana shaqada ciidanka laga saarayo guud ahaan kuwa daroogada isticmaala.

Si kastaba, Madaxda sare ee dowladda ayaa hore u qirtay in askarta xoogga u isticmaasha daroogada ay qeyb ka yihiin amni darada, tan iyo markaas oo ay qaaday tallaabooyin wax ka taray amniga caasimada.

Hoos ka arag sawirada

347226119_167785736233137_26076228579743 348994844_635073991811756_69362527332595

The post Taliska Booliska oo shaaciyay magacyada iyo sawirada askar uu rusqeeyay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this