Sign in to follow this  
Deeq A.

Musharrax Sinan Ogan oo taageeray Recep Erdogan

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa Isniintii xaqiijiyey taageerada musharaxa kaalintii saddexaad ee uu ka galay doorashada ay qasabtay in wareeg labaad la aado.

Codadkii ahaa 5.2 boqolkiiba ee uu helay Sinan Ogan, doorashadii 14-ka May, ayaa Erdogan u diiday guul toos ah markii ugu horreysay muddo 20 sano oo xukun ah.

“Waxaan taageereynaa musharaxa Isbaheysiga Shacabka, Recep Tayyip Erdogan, wareegga labaad ee doorashada ee 28-ka May,” ayuu yiri Ogan.

“Waxaan ku casuumayaa cod-bixiyeyaashii na taageeray wareegga koowaad inay taageeraan Mr. Erdogan wareegga labaad”ayuu sii raaciyay.

Erdogan ayaa dhinaca kale muujiyey in aanu wax ballanqaad ah u sameyn Ogan si uu helo taageeradiisa.

PUNTLAND POST

The post Musharrax Sinan Ogan oo taageeray Recep Erdogan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this