Sign in to follow this  
Deeq A.

Sidee u dhacay Hawlgalkii Jilib ee lagu beegsaday Madaxda Al-shabaab?

Recommended Posts

Deeq A.   
vlcsnap-2022-11-27-08h17m00s233.png?resi

Wasiirka amniga Jubaland Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal) ayaa ka warbixiyay duqeymo magaalada Jilib lagula eegtay kooxo ka tirsan horjoogayaasha Al-shabaab.

Wasiirka ayaa sheegay in fulinta howlgalka ay iska kaashadeen sirdoonka Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah, laguna guuleystay in la bartilmaameedsado guri ku yaal degmadaasi oo ay ku shirayeen horjoogayaasha.

Waxa uu xusay in ay jiraan khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray horjoogayaasha kooxda ee lagu beegsaday Hawlgalkaas.

Wasiirka ayaa  intaa ku daray in ay dib warbaahinta dib kala soo wadaagi doonaan xogta rasmiga ah ee howlgalka lagu  bartilmaameedsaday kooxda Al-shabaab ee ka dhacay degmada Jilib.

PUNTLAND POST

The post Sidee u dhacay Hawlgalkii Jilib ee lagu beegsaday Madaxda Al-shabaab? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this