Sign in to follow this  
Deeq A.

Somalilando oo dagaal qorshaysan ku beegaysa doorashada qof iyo cod ee Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliska Muuse Biixi ayaa isu diyaarinaya in uu dagaal qorshaysan ku beego maalinta doorashada Puntland ee 25 May sida ay muujinayaan xogo amni.

Ciidamada Somaliland ayaa saaka samaynaya dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ka duwan kuwii hore waxaana ay u diyaar-garoobayaan weerar ku jihaysan Laascaanood.

Somaliland ayaa mudda dhawr bilood ah weerarro joogta ah ku haysa Laascaanood si ay dib ugu qabsato inkastoo ay dhammaantood ku fashilantay islamarkaana ku wayday saraakiil iyo askar badan.

Madaxweynaha SomalilandMuuse Biixi oo dhawaan hadlay ayaa sheegay in aanu joojin doonin dagaalka Gobolka Sool ilaa uu dib ula wareego magaalooyinkii laga qabsaday ciidankiisa oo ay ku jirto Laascaanood.

PUNTLAND POST

The post Somalilando oo dagaal qorshaysan ku beegaysa doorashada qof iyo cod ee Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this