Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Axmed Madobe oo kulamo ka wada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
347589835_589612623268863_44999414358018

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa hoyga uu ka dagan yahay magaalada Muqdisho ku qaabilay mas’uuliyiin kala duwan.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa qaabilay guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Barlamaanka Soomaaliya Marwo Sacdiya Yaasiin Samatar oo ay ka wada-hadleen xaaladda dalka iyo siyaasadda.

Sidoo kale, waxa uu madaxweynaha kulan la qaatay guddoomiyaha hay’adda maareeynta musiibooyinka Soomaaliya Maxamud Macallin Cabdulle iyo ku-xigeenkiisa Dr Axmed Cabdi Aadan oo uu kala-hadlay xaaladda fatahaadaha ka dhacay qaar kamid ah deegaannada Jubbaland iyo xanuunada ka dhalan kara.

Kulankaan ayaa waxa kale oo diirada lagu saaray qorshaha hay’adda maareeynta musiibooyinka, oo uu guddoomiyaha ku sheegay in ay tahay sidii wax muuqda looga qaban lahaa deegaannada Jubbaland arimaha gargaarka iyo sidii xal waara loogu heli lahaa musiibooyinka dabiiciga ah.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa sidoo kale waxa uu kulan muhiim ah la qaatay Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliya Ganaral Sulub Axmed Firin.

Kulanka labada masuul ayaa waxaa looga wada-hadlay wada-shaqaynta ciidamada booliska heer federaal iyo heer Jubbaland sidii la iskaga kaashan lahaa arimaha amniga iyo horumarinta ciidamada Booliska.

Kulamadaan ayaa qeyb ka ahaa kulamo uu maalmihii dambe magaalada Muqdisho ka waday madaxweyne Axmed Madoobe, kuwaasi oo uu kula kulmay qaar kamid wakiilada beesha caalamka, ee fadhigooda yahay caasimadda.

axmed-madoobe.jpg?resize=696%2C464&ssl=1 347589835_589612623268863_44999414358018 347249484_1012939889952682_4310863846816 347551226_771515004641193_63078739491736 347273164_661731939061487_85659394960858 347245406_204725602399347_22628464556401 347421302_1410045136511220_8281213947944 347251861_170061569357455_87966322574994 347395944_6276763035738609_9604788647724

The post Sawirro: Axmed Madobe oo kulamo ka wada Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this