Sign in to follow this  
General Duke

Kampala: More AU troops to arrive in Somalia: Burundi Nigeria

Recommended Posts

Uganda oo shaacisay in Burundi iyo Negeria ay ciidamo u soo diri doonaan Somalia.

 

MAY 23. 2007 Radiofreesomalia.com

 

Dowladda Uganda ayaa ku dhowaaqday in dalalka Burundi iyo Nigeria ay ciidamo ku biirin doonaan dhowaan ciidamada Uganda ka jooga Somalia.

 

Madaxa Ciidamada Dalka Uganda Gen. Aronda Nyakairima ayaa guddiga difaaca ee baarlamanka u sheegay in Burundi ay Ciidamo ku geyn doonto Somalia toddobaadyo yar gudahood.

 

Waxa uu intaa ku daray in Dowlada Nigeria ay diyaarineyso hal Battalyan oo ciidamo ah oo loogu tala galay dalka dagaalada ay bur buriyeen ee Somalia.

 

Hase yeeshee Aronda Nyakairima waxa uu sheegay in weli ay calaamad su'aal saaran tahay xilliga ay ciidamada Nigeria soo dhaqaaqi doonaan.

 

Mr. Nakairima waxa uu sharaxaad ka bixiyay in ciidamada Ethiopia ay kusii nagaan doonaan Somalia illaa dalalka kale ee Afrika ay ciidamadooda ku soo dhameystiraan dalka Somalia.

 

Bishii March ayaa Uganda waxa Somalia u soo dirtay 1500 askari, kuwaasi oo qeyb ka ah 8000 askari ee ururka Midowga Afrika uu ugu tala galay dalka Somalia, si ay gacan u siiyaan Dowladda KMG ah ee reer galbeedku ay taageeraan.

 

Aronda Nyakairima ayaa carabka ku dhejiyay in Uganda ay ku adag tahay inay nabad kusoo dabaasho Somalia, sababtuna waxa ay tahay buu yiri Ciidamo ku filan ilaalinta amaanka oo aan joogin dalka.

 

Waxa uu sidoo kale niyad wanaag ku muujiyay in Ururka Midowga Afrika uu sida ugu dhaqsiyaha badan ku bixin doono mushaharka ay ku lee yihiin Ciidamada Uganda ee jooga gudaha Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kampala:Dowladaha Nayjeeriya iyo Burundi oo dhawaan la filayo in ay ciidamo ku Biiriyaan kuwa Midowga Africa ee Caasumada Soomaaliya Ujooga Nabadsugida.

 

23. maj 2007

 

Kampala(AllPuntland)-Sida uu sheegay Afhayeenka Wasaarada Difaaca Dalka Ugandha Mr Aronda Nyakairima oo ka hor hadlayay baarlamaanka dalkaasi Ugandha waxaa uu xusay in burundi ay todobaadyo yar gudohood ciidan nabad ilaalineed u diri doonto magaalada Muqdisho isagoo intaasi raacshay in dalka nayjeeriyana ay sidoo kale diyaariyeen hal guuto oo ciidan oo ka qayb noqon doona ciidanka nabad ilaalinta afrikaanka ee Somaliya loo dirayo.

 

Mr Nyakairima waxaa uu xusay in ciidamada Itoobiya ay dalka Soomaaliya joogayaan ilaa ay ciidamada Afrikaanku ka soo dhamaystirmayaan sida qorshuhu yahay.

 

Dowladaha ilaa hada la sheegay in ay ciidamo balan qaadeen balse u baahan taageero milatari ayaa waxaa ka mid ah dalalka Malawi iyo Ruwand oo ayagu horay ciidamo u balan qaaday.

 

Warka sheegaya in ay Burundi iyo nayjeeriya hada diyaariyeen ciidamadii tagi lahaa Soomaaliya ee ay ugu talagaleen in ka qeybqaataan nabad ilaalinta Amisom ee Midowga Africa ka fulinayo Soomaaliya,ayaa wuxuu ku soo aaday xili aan waqti badan uharin nabad ilaalinta Africa.

 

Dhawaan Gudoomiyaha Midowga Africa Alpha Omar Konari ayaa wuxuu saxaafada usheegay in la dhamaystiridoono 8,000-da Kun ee nabad ilaaliyaasha Africa noqondoona waxaana haatan ka jooga Africa Soomaaliya 1,800 oo ka socda Dawlada Ugandha.

 

Xigasho:-AllAfrica.com

 

Faarax C/qaadir Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

It matters not what individuals want the AU troops are coming and security is improving. insha Allah the reconciliation conference will start as well on time.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this