Sign in to follow this  
Deeq A.

Cadho ka dhalatay wasiir Israa’iili ah oo mar kale tagay Masaajidka Al-Aqsa

Recommended Posts

Deeq A.   

Murankan ayaa markale dib u qarxay, kadib markii wasiirka amniga qaranka Israa’iil, Itamar Ben Gavir, uu safar ku tagay masjidka Al-Aqsa ee magaalada Qudus.

Wasiirka Israa’iil, ayaa shalay oo Axad ahayd gaaray dhismaha Masjidka Al-Aqsa, iyadoo ay socoto qaban-qaabo xooggan oo dhanka ammaanka ah.

Saddex maalmood ka hor, wasiirka Israa’iil, ayaa bannaanbax kala qeyb galay kumannaan taageerayaasha Yuhuudda ah oo ku sugnaa magaalada Qudus.

Dibad-baxan ayaa lagu soo beegay xilli xabbad joojinta marinka Qaza aysan ka badneyn muddo dhan hal toddobaad ah.

Bishii Janaayo ee sanadkan sidoo kale wasiirka Israel, ayaa socdaal ku tagay magaalada Qudus.

Ka dib markii uu tagay Masjidka Al-Aqsa, wasiirka, ayaa waxa uu sawirka ku baahiyey barta Telegram-ka, waxa uuna ku qoray, “Qudus waa nafteenna, hanjabaadda Xamaasna nagama hor istaagi doonto, maanta waxaan tagay macbadka Yuhuudda”. Ururka Xamaas, ayaa kasoo saaray war diidmo ah safarka Gavir ee magaalada Qudus.

Iyaga oo ka jawaabaya, Xamaas waxay baahiyeen, “Israa’iil waxay mas’uul ka noqon doontaa galitaanka wasiirkeeda, iyo dadka lagu qasbay safarkaasi.”

Dowladaha Sucuudiga iyo Urdun ayaa cambaareeyey safarkan.

Dowladaha Sacuudiga iyo Urdun, ayaa ka soo horjeestay tallaabadan uu qaaday wasiirka Israel.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Sacuudi Carabiya, ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay, “Tallaabadan Israa’iil waxay ku jebinaysaa qawaaniinta iyo nidaamka caalamiga ah”.

Dowladda Sacuudiga ayaa sheegtay in tani ay tahay tallaabo lagu kicinayo shucuurta Muslimiinta caalamka. Waxay ku eedeysay Israa’iil inay mas’uul ka tahay rabshadaha sii socda ee magaalada Qudus.

Dowladda Jordan, ayaa sidoo kale ku tilmaantay tagitaanka wasiirka Israa’iil ee magaalada Qudud tallaabo kicin ah. Waxay intaa ku dartay dowladdani in talaabooyinkan ay qaaday Israa’iil ay yihiin kuwo halis ah, iyadoo dhanka kale tilmaantay inaan la aqbali Karin talllaabo noocan oo kale ah xaalad kasta oo lagu jiro.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this