Jacaylbaro Posted January 1, 2008 Ciidamada booliiska magaalada laascaanood ee gobolka Sool ayaa bilaabay howlgalo ay dadku soo qabqabteen howlgalkaas oo wali ka socda magaalada ..... Ciidamada booliiska ayaa qabqabtay Dad boob u gaystay qaar ka mid ah meheradaha magaalada laascaanood xiligii dagaaladu ka socdeen agagaarka magaalada dadkaas oo in mudo ah ay booliisku ku raadjoogeen , waxaa kaloo iyana gacanta lagu dhigay Dhalinyaro La sheegay inay haysteen isgaadhsiinta Fooneeyaha Loo yaqaan kaas oo ay u adeegsan jireen Waxyaabo lidi ku ah amaanka guud ee gobolka sida uu Afnugaal.com saaka u xaqiijiyey Taliyaha ciidamada Booliiska Xuseen Taarwale... Sidoo kale waxaa ay ciidamada Booliisku Soo qabteen wariye C/casiis Saleebaan oo hada ku jira xabsiga dhexe ee magaalada laascaanood , wariye C/Casiis oo berito maxkamada la soo taagi doono isaga iyo eedaysanayaal fara badan ayaa ku eedaysan sida booliisku sheegeen faafin warar aan sal iyo raad toona lahayn iyo iska horkeen bulshada reer Somaliland iyo tan gobolkaba , eheleda wariyaha xidhan oo ka codsatay ciidamada Booliiska in la siidaayo Wariyaha isla markaana ay damaanad qaadi doonaan waxii khalad ah ee danbe ayay usuuroobi wayday waxaana ay booliisku ku wargaliyeen inay maxkamada horgayn doonaan maalinta berito ah.. Ciidamada Amaanka Laascaanood ayaa shaqadooda labanlaabaya waxyar ka dib markii la dhamaystiray dhisida maxkamada gobolka iyo tan degmada laascaanood oo iyagu hada si toos ah ushaqaynaya Ugu danbayntii Hogaanka ciidanka booliiska Laascaanood Col Xuseen Taarwale ayaa uga digay warbaahinta wararka aan salka iyo raadka toona lahayn ayna ilaaliyaan anshaxa saxaafada , Col Taarwale ayaa intaasi ku daray in ciidamada booliisku fasax u haystaan soo qabashada cidkasta oo nabada deegaanka lidi ku ah isagoona ku baaqay dadwaynaha in booliiska gacan buuxda la siiyo si loo qabqabto danbiilayaasha.. Xafiiska wararka Afnugaal.com Laascaanood Quote Share this post Link to post Share on other sites
A.J. Posted January 1, 2008 JB, Its L.C. not L.A. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted January 2, 2008 Laas-Caanood as in Somali and Las-Anod as in English. Both are Ok ............. Quote Share this post Link to post Share on other sites
A.J. Posted January 3, 2008 Bro, we are somali and even though my somali reading and writing is prett appalling i think we should use it where we can,, so if we can write the names of our cities in somali then i think we should. So thast L.C. from now on then ok brother Quote Share this post Link to post Share on other sites