Sign in to follow this  
Deeq A.

Xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kaakuma oo laga dhigayo degmooyin

Recommended Posts

Deeq A.   

Kenya ayaa degmooyin rasmi ah u beddelaysa labada xero ee ugu weyn qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kaakumo, isbeddelkan oo la filayo inuu dhaqangalo muddo shan sanno gudahood ayaa la sheegay in dhamaan qaxootiga hadda lagu hayo Dhadhaab iyo Kaakuma aan lagu qasbi doonin ama aan la siin doonin dhalasho balse waxaa la siin doonaa aqoonsiyo gaar ah oo ay si xor ah uga dhex socon karaan , ganacsiga ku sameyn karaan gudaha Kenya, halkii ay deegaannada ahaan lahaayeen magaalooyin teendhooyin ah, sida uu baahiyay wargeyska The EastAfrican.

Guddoomiyaha Gaarisa, Nathif Jamac Aadam ayaa la xaqiijiyay usbuucan inuu saxiixi doono axdi kor u qaadaya Dhadhaab oo laga dhigayo degmo. Si la mid ah Kakuma ayaa loo ansixin doonaa degmo.

Qorshaha loogu magacdaray Nashiriki, Swahili ee “Waan wadashaqeynayaa” ujeedadiisu waxay tahay in la hubiyo in qaxootiga iyo magangalyo-doonka la taageero si ay uga gudbaan ku-tiirsanaanta gargaarka bini’aadantinimo una gudbaan isku-tiirsanaan iyo in awood loo siiyo inay ka adkeystaan ​​dhibaatooyinka soo noqnoqda.

Guddoomiyaha arrimaha qaxootiga ee Kenya John Burugu ayaa u sheegay The EastAfrican in habka isku dhafan uu u ekaan doono dhismaha miyi iyo magaalo ee Kenya, iyadoo amniga ay ilaalinayso dowladda.Kenya waxa ay sheegtay in ay doonayso in Dhadhaab iyo Kaakuma ay u furnaadaan ganacsi, waxayna ka codsanaysaa maalgeliyayaasha inay gacan ka geystaan ​​dhisidda adeegyada bulshada taasoo sahlaysa in la booqdo xarumaha.

PUNTLAND POST

The post Xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kaakuma oo laga dhigayo degmooyin appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this