Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha guurtida oo dood ka yeeshay xaalada gobolka Sool iyo xaalada degaanka Cali Saahid ee gobolka Togdheer

Recommended Posts

Deeq A.   

Mudanayaasha golaha guurtida Somaliland, ayaa dood ka yeeshay siyaasada arrimaha gudaha.

Xildhibaanada qaar ayaa soojeediyay in mudanayaal ka tirsan golaha guurtida loo diro xaalada gobolka Sool, isla markaana wada hadal la furaan Garaadada gobolka Sool si xal loogu helo dagaalka daba dheeraday.

Geesta kale guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa  mudanayaasha ka codsaday ka hadalka xaalada degaanka Cali Saahid, in laga sugo guddidii dhawaan goluhu u saaray, waxgaradka labada dhinac iyo masuuliyiinta xukuumadda Somaliland ee magaalada Burco ujooga xalinta shaqaaqada beelaha walaalaha ah ee wada daga degaanka Cali Saahid ee Hawdka gobolka Togdheer.

Waxa kale oo ay xildhibaanadu soojeediyeen in loo yeedho  masuuliyiinta laanta socdaalka, wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada iyo cidkasta oo ay khuseyso soogalootiga qaxoontiga boqolka kun kor udhaafay ee gudaha dalka ku sugan oo xaaladooda abni ay ka dayriyeen.

Waxa ay xuseen in wax la iska weydiiyo cidda masuulka ka ah wixii falal abnidarro ah ee gaystaan dadka aan dalka u dhalan, cidda wax laga weydiinayo.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this