Sign in to follow this  
Deeq A.

Kooxaha ku dagaalamaya Sudaan oo ku heshiiyay xabad joojin

Recommended Posts

Deeq A.   

Cidamada Suudan iyo kuwa RSF ayaa ku heshiiyay xabbad joojin ku meel gaadh ah oo laga sameeyo Suudaan, iyadoo dagaalka u dhexeeya labadan kooxood uu galay todobaadkii lixaad.

Isku daygii hore ee xabbad joojinta ee dhex maray ciidamada caadiga ah ee Suudaan iyo xoogaga Taakulaynta degdega ah (RSF) ayaa horay u guuldareystay.

Laakiin heshiiska cusub waxaa lagu dhaqan gelin doonaa “habka la socodka xabbad joojinta,” sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Mareykanka iyo Sacuudiga.

Mas’uuliyiinta Suudaan waxay isku raaceen in dib loo soo celiyo adeegyadii muhiimka ahaa Mudadad 7 maalmood ah ee ay xabad joojinta socota.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this