Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubbaland oo taageero u heshay qorshaheeda maamul u sameynta…

Recommended Posts

Deeq A.   
347131987_999508717751497_82599689141264

Muqdisho (Caasimada Online) –  Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho ayaa bilaabay kulamo gaar gaar ah oo uu la qaadanayo safiirada caalaamka ee jooga caasimada.

Shirka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ahaa wasiirada arimaha gudaha, caafimaadka iyo Wasiiru-dowlaha madaxtooyada maamulka Jubbaland,

Axmed Madoobe ayaa kulan la yeeshay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Marwo Tiina Intelmann, kaas oo looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin tageerada ay Midowga Yurub ku bixiso dib u dhiska Dalka iyo mashariicyada kale duwan ee ay ka fuliyaan deegaanada Jubaland kuwaa oo ay ugu horeeyaan Arimaha amaanka iyo hormarinta deegaanka.

Sidoo kale Axmed Madoobe ayaa ballan-qaad ka helay Midwoga Yurub oo sheegay inuu ka taageeri doono qorshe laga fulinayo afar degmom gaar ahaan dhismaha golayaasha deegaanka oo afar degmo oo kamid ah maamulka Jubbaland oo dhawaan la bilaabayo.

Jubbaland ayaa waxaa haatan ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaabm wuxuuna dhanka kale maamulka wadaa qorshe lagu dhisayo goleyaasha deegaanka ee degmooyinka hoostaga maamulkaas oo ka arrimiyaha gobollada Gedo iyo Jubbooyinka.

Madaxweynaha Jubbaland ayaaa sidoo kale kulan gaar ah la qaatay ku xigeenka safiirka dowladda Maraykanka u fadhiya Soomaaliya ahna ku simaha Safiirka Tim Trenkle iyo qaar kamid ah saraakiisha Ciidamada AFRICOM ee ka howlgala gudaha waddanka Soomaaliya.

Kulankan ayaa waxaa isna looga hadlay tageerada Maraykanka ee dhinacyada kala duwan gaar ahaan dagaalka Shabaab iyo wejiga labaad ee howlgallada ka bilaabanaya dalka.

Waxa kale oo uu Axmed Madoobe, magaalada Muqdisho kula kulmay ku-xigeenka ergeyga gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Marwo Anita Kiki Gbeho.

Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay  dhamaystirka golayaasha deegaanka Jubbaland iyo tageerada mashariicda kala duwan ee ka socda Jubaland.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

347127906_237231052259784_44722838487673 347131987_999508717751497_82599689141264 347229754_6161603420623402_2979368967435 347588116_817619692556885_80578627945369 347583833_599177932181153_39522573568284 347236736_2016544655356610_6419142633249

The post Jubbaland oo taageero u heshay qorshaheeda maamul u sameynta… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this