Sign in to follow this  
Emperor

Hiiraan: Mass displacment of civilians as Ethio forces arrive Kalabeyr

Recommended Posts

Emperor   

Barakac ka bilowday deegaanada ku dhow isgoyska kala beyrka ee gobolka Hiiraan oo ay shalay soo galeen ciidamada Itoobiya

 

Wararka naga soo gaaraya magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in gudaha magaaladaasi ay soo gaareen qoysas ka soo barakacay deegaanada miyiga ah ee ka dhow dhow isgoyska Kala beyrka oo ku yaala meel illaa 20-km dhinaca Woqooyi magaaladaasi iyagoo ka cabsi qaba iney waxyeeleeyaan ciidamo Itoobiyaan ah oo maalintii labaad halkaasi ku sugan.

 

Barakaca qoysaskan ayaa ka dambeeyey ka gadaal markii ciidamada Itoobiya ee shalay soo gaaray Isgoyska Kala beyrka ay xalay bilaabeen iney isku fidiyaan dhufeysna ka qotaan dhulka buuraha ah ee halkaasi ku yaala, iyagoo u muuqda kuwo aan dooneynin iney halkaasi isaga tagaan una diyaar garoobaya iney iska difaacaan haddii ay weeraro kaga yimaadaan dhinaca xoogaga ka horjeeda taasoo cabsi badan iyo khal khal ku abuurtay dadweynaha ku dhaqan tuulooyinka halkaasi ku yaala.

 

Dhinaca kale, ciidamada Itoobiya ee maalintii labaad ku sugan isgoyska Kala beyrka ee gobolka Hiiraan ayaa halkaasi ka wada baaritaano ay ku sameynayaan alaabada saaran gaadiidka xamuulka ah ee u kala gooshaya gobolada dalka iyagoo su’aalana weydiinayey dhalinyarada saaran gaadiidka xamuulka ah iyo kuwa rakaabka ah kuwaasoo ay ka mid ahaayeen halka ay ka yimaadeen iyo goobta ay ku sii jeedaan waxa ujeedada ay u tegayaan lamana oga illaa hadda illaa inta ay ciidamadan Itoobiyaanka sii joogi doonaan deegaanka kala beyrka ee gobolka Hiiraan.

Cabdiraxmaan Macalin Xuseen

Mamaan82@hotmail.com

Tafatiraha Wabka Dayniile.com

dayniilecom@hotmail. com

deyniilenews@yahoo.c om

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Barakaca qoysaskan ayaa ka dambeeyey ka gadaal markii ciidamada Itoobiya ee shalay soo gaaray Isgoyska Kala beyrka ay xalay bilaabeen iney isku fidiyaan dhufeysna ka qotaan dhulka buuraha ah ee halkaasi ku yaala, iyagoo u muuqda kuwo aan dooneynin iney halkaasi isaga tagaan una diyaar garoobaya iney iska difaacaan haddii ay weeraro kaga yimaadaan dhinaca xoogaga ka horjeeda taasoo cabsi badan iyo khal khal ku abuurtay dadweynaha ku dhaqan tuulooyinka halkaasi ku yaala.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this