Sign in to follow this  
Jacaylbaro

GOOBJOOGE: QISADII AL-ITIXAAD IYO C/LAAHI YUUSUF

Recommended Posts

Waa dhuub laga soo dillaaciyey jidhka taariikhda soomaalida ee weli socota. Waa waslad dhiig leh oo nool oo dhaqdhaqaaqaysa. Waa foolxumo kale oo ka mid ah foolxumooyinka badan ee ay tahay maanta iyo berriba in eegmada lagula dhiirrado, waayo ummad aan foolxumadeeda aragi qurux ma yeelato. Waa buug aad u xiiso badan haddana aad u xanuun badan. Waa "Goobjooge: Qisadii al-Itixaad iyo Cabdullaahi Yuusuf". .

 

 

Waa sannadkii 1992. Geyiga soomaalida oo dhami waa cadaab. Waxaa shidan mishiin keliya oo si xawli leh u shaqaynaya; waa mishiinka dhimashada. Wax kale laguma sifayn karo. Cidhifka waqooyi ilaa ka koonfureed waxaa ka baxaya holac iyo qiiq. Goob walba waxaa taal geeri, meel walbana waxaa daadsan burbur. Hargeysa la isuma gudbo oo sarajoogga ayaa haragga lagaagala baxayaa. Burco ka daran, Berbera hadalkeed daa. Haddii aad koonfurta eegto, Gaalkacyo ilaa Buulo Xaawo waxaa qulqulaya iliilo dhiig ah, waxaana daadsan maydad dugaagga lagu sooray. Waa la wada waalan yahay. Haddiise uu jiri lahaa qof keliya oo fayoobi dareenkiisa waxaa ku dhex wareegi lahaa meerisyadan Hadraawi oo curtay sannado badan markaas ka hor:

 

 

Bal sallaankan fuul laalan

Iyo sagabtan heensaysan

Dhulka saas u jeedaali

Sidan iyo sidaas fiiri

Sidan iyo gadaal dheeho

Raqda solan lafaha soogan

Bal su'aal u celi meydkan

Sababtuu u go'ay raadi

Bal dhegeyso saylaanka

Iyo salowga beerqaadka

Iyo sebiga yeedhiisa

Waxaad aragtay oo saasa

Waxaad maqashayoo saasa

Maxaad odhan lahayd Suudi

 

 

Naxdintii badh baa suuxsan

Selelkii badh baa waashay

Dad sawaaban baa buuxa

Dumar waayey saygooda

Hengashii sidaa muuqda

Ololkii badh baan seexan

Sarihii dumaa jiifa

Qabrigii sinmaa jeexan

 

 

Sabarkii dadkaa baahan

Saantii dadkaa qaawan

Weli talo ma saalloona

Waxa soo socdaa yaab leh

Wershed suufiyaa daaran

Waxay soo siddaa geeri

Midhaheedu waa saymo

 

 

Sannadkaas 1992 iyo xaaladdaas ayuu nin da yari riyooday. Wuxuu ku riyooday riyooyin uu u fasiran doono sida ay isaga la tahay. Waxaa lagu magacaabaa Samatar Ducaale. Wuxuu ka soo noqday qaxootinnimadii Itoobbiya, wuxuuna dhex taagan yahay gudmoodkii iyo burburkii Hargeysa. Wuxuu isu haystaa in uu ka mid yahay "Badbaadiyayaasha dalka", wuxuuse ka mid noqonayaa shaqaalaha mishiinka dhimashada. Shaqo kaleba ma jirto. Mishiin kaleba ma shidna.

 

 

Riyo yaab leh oo uu Samatar Ducaale ka sheekeeyey ayaa waxay ahayd: barqo la addimay, salaad goortaa silloon la tukaday, iimaamnimadii uu isu taagay oo laga riixday, halkii masjidka qaybtiisa hore lagu tukan lahaa oo halka ugu dambaysa salaadda lagu xidhay iyo halkii Qiblada loo tukan lahaa oo koonfur qumman loo jeestay!

 

 

Riyadu sideedaba xaqiiqada nolosha waxa ay la wadaagto, iyo haddiiba ay wax la wadaagto tagtada iyo timaaddada midda ay ku taxan tahay, iyo in ayba ka soo baxayso dareen inagu qarsoon, waa xujo aan weli la furin. Samatar Ducaale isagu riyooyinkiisa wuxuu u qaatay farriimo dahsoon. Hadhowna dhacdooyinka uu la kulmi doono taas ayuu waafajinayaa kuna furfurayaa. Arrintu waxay ka bilaabatay amar odhanaya:"Waa la baxayaa!" "Xagee loo baxayaa?" "Boosaaso ayaa loo baxayaa." Isla halkaas ayuu ka bilaabanayaa fasirka koowaad ee uu riyooyinkiisa siinayaa.

 

 

Samatar Ducaale wuxuu ku jiraa rag Soomaalilaan laga ururiyey oo Boosaaso afka loo saaray. Dhulka oo dhan in Boosaaso laga doorto waxaa ka horraysay qiso kale. Waxaa ka horraysay qisada Ururkii al-Itixaad iyo sidii uu awoodda ugu yeeshay Gobolka Bari. Rafasho dheer ka dib dawladnimadii Soomaaliya markii ay quluulatay gobolkaasi wuxuu noqday meel nabdoon haddii loo eego dalka intiisa kale oo birtu xiimayso. Dekeddaasi waxay ahayd ta keliya ee shaqaynaysa markii kuwii kale colaaduhu xidheen. Markaas al-Itixaad ayey halkaasi u noqotay meel iyo fursad ay isku abaabulaan si ay dabadeed dalka oo dhan ugaga duulaan. Duleedka Boosaaso waxaa ku taal xero uu ururkaasi raggiisa ku siiyo tababar dagaal. Halkaas ayaa nimankan la xulay loo wadaa. Marka ay soo noqdaanna qudhoodu waxay Soomaalilaan ka noqon doonaan tababarayaal. Waxaa la abaabulayaa ciidan diineed oo loo bixiyey "Badbaadiyayaasha dalka". Durba Burco iyo Boorama laba xarumood ayaa ka furan.

 

 

Sida uu dhaqanka wahaabiyiintu yahay Xerada Tababarka Boosaaso waa in ay magac carbeed u bixiyaan, mag acaasina wuxuu noqday Nasruddiin. Ciidanka uu Samatar Ducaale ka tirsan yahayna waa in magac carbeed la siiyaa, wuxuuna noqday Ibnul Qayim. Hannaanka dhismaha bulshada ururkana waa in magacyo carbeed loo qaybiyaa: usro, shucbo, hawaamish... Weligaa wahaabiga af soomaali ha ugu ciil qabin!

 

 

Ururkii al-Itixaad iyo taariikhdiisa ayeynu buuggan xog door ah kaga helaynaa. Tobaneeyadii sannadood ee u dambeeyey maamulkii kelitaliska ahaa ururkani wuxuu u jiray si qarsoodi ah. Wuxuu lahaa sir adag taas oo lab aad loogu kalsoon yahay oo keliya lagu qariyo. Markii taliskaas afka dhulka loo darayna al-Itixaad hullaabta ayuu iska rogay. Sida muuqata wuxuu istusay awooddii lagu kala adkaan waayey ee dalka in uu u loollamo. Xabbaddii ugu horraysay ururkani wuxuu ku riday Janaraal Maxamed Faarax Caydiid, jabkii uu dagaalkaas kala kulmay ayaana ahaa sababta ugu weyn ee ururku Bari ugu guuray. Sida muuqata Dekedda Boosaaso iyo dakhligeeda ayaa soo jiitay. Halkaas ayuu ka bilaabay abaabul kuna noqday cudud hubaysan oo loollami karta.

 

 

Ururkii SSDF ayaa isaguna isla jeerkaas ahaa awood gobolkaas ka jirta. Haddaba laba awoodood oo si walba u kala feker duwan isla markaas wada hubaysani isma dugsan karaan. Madaxdii SSDF waxay aqal Garoowe ku yaal ku qabsadeen shir ay ku abaabulayaan dagaal al-Itixaad lagu qaado. Kulankaas waxaa xiddig ka ahaa Kornayl Cabdillaahi Yuusuf Axmed, waxaana goobjoog ka ahaa nin faransiis ah kaas oo aanay ujeeddadiisu inoo caddayn. Haddaba madashaas ma mooddaa "Daar an-Nadwa" oo ahaa golihii Nebi Maxamed iyo saaxiibbadii loogu tashaday? Ninkaas faransiiska ahna ma mooddaa Ibleyskii la sheegay in uu kulanka "Daar an-Nadwa" talabixiye ka ahaa?

 

 

Cid ka talisayba, dagaalkii al-Itixaad iyo SSDF wuu dhacay, wuxuuna u dhacay si xun oo gumaad iyo ugaadhsi ah. Samatar Ducaale iyo qoladiisa reer waqooyi kuma ay khasbanayn in ay dagaalka ka qayb qaataan, waxaana la kala dooransiiyey in ay dhulkoodii ku noqdaan iyo in ay wax ka dagaallamaan. Sidan dambe ayeyse doorteen. Waa sidii ay ahaan jirtay. Sow rag isdhaarsaday ma aha, oo weliba hor Ilaahay isu dhaarsaday? Samatar Ducaale wuxuu ka mid yahay ragga ciidanka ugu da yar, waayo'aragnimo dagaalna ma leh, maantase ha waayo arko. Geel laba jir soo wada mar. Aagga uu ka dagaalgalay talis waxaa looga dhigay Isbitaalka magaalada.

 

 

Samatar Ducaale wuxuu inoo weriyey dagaalkaas markii ay xabbaddu bilaabatay isaga in Ilaahay ku tuuray bahal lulo la yidhaahdo. Indhahaba wuu kala qaadi kari waayey. Isaga waxaa ka sii darraa kii fooniyaha hayey, kaas oo markii uu lulmo u adkaysan kari waayey inta uu fooniyihii damiyey iska seexday. Hurdadaas goor-baasta timid ee yaabka lihi waxay qayb ku lahayd jabka ciidankii aagga Isbitaalka ka dagaallamayey, waxayna sabab u ahayd dhimasho badan oo aan dhici lahayn, waayo colkaasi wuxuu ka xidhiidh furtay taliskii dhexe oo amar ku siin lahaa in ay isdhiibaan ama dhanka taliska u soo kacaan. Haddaba halkan waxaa ka soo baxaya tuhun weyn oo khatar ah. Tuhunkaasi wuxuu yahay: lulada aan caadiga ahayn ee wadaaddada ku dhacday ma waxaa keenay hub xaaraan ah oo dagaalka loo adeegsaday? Ninkii faransiiska ahaa ee shirka SSDF fadhiyey halkaas muxuu ka qabanayey, arrintase muxuu ku lahaa? Innaga oo ka aragti qaadanayna sidii cadawtinnimada ahayd ee ay gaashaanbuurta kiristaanku (Maraykan, Itoobbiya iyo Kiiniya) ay dhowaan u burburiyeen Kacdoonkii Midowga Maxkamadaha, shaki badani inaga geli maayo in ay door la mid ah ku lahaayeen dagaalkii al-Itixaad iyo SSDF.

 

 

Toddobaadyo halaag iyo xanuun ah ka dib jabka al-Itixaad wuxuu noqday xaqiiqo taariikheed. Laakiin Samatar Ducaale wadku uguma soo degdegin sidii uu ugu soo degdegay qaar badan oo saaxiibbadii ah. Armayse dhimasho degdegta ahi maxbuusnimada qaarkeed dhaantaa? Armaa silic loo dhintaa? Mar haddii aad cadawgaaga gacanta u gasho qaddarka oo keliya ayaad magan u tahay. Adiga oo ah dagaalyahan hubaysan haddii aad jabto, oo aad aragto cadawgii oo sida koronkorrada derbiyada kaaga soo daadanaya, rajada aad nolol ka qabtaa waa eber. Mar kalena waxay ahayd xabsiga Boosaaso iyo haddana ka Garoowe. Dadka aad gacanta ugu jirtaana waa kuwo xun iyo kuwo san labadaba. Aayuhuna waa quus weyn iyo rajo yar oo isbarbar yaal. Haddii aad dhimato waa ay ahaan jirtay, haddiise aad badbaaddo sida aad u badbaadday waa oday-ka-sheekee.

 

 

Samatar Ducaale dagaalkaas intii aanu gelin fikradda uu ka qabo ma uu qarsan ee wuu sheegay, af cad ayuuna ku yidhi: "Dagaalkani sax ma aha!" In kasta oo uu ka mid ahaa ragga ciidanka al-Itixaad ugu da yar, qaar ka mid ah ragga ugu da weyn ugu aqoon badan ayuu fikraddaas kala mid ahaa. Waa goor qaldan iyo si qaldan (xasuuso riyadii salaadda goor aan goorteeda ahayn la tukaday iyo Qibladii laga jeestay!).

 

 

"Goobjooge: Qisadii al-Itixaad iyo Cabdullaahi Yuusuf" waa buug taarikheed haddana u qoran hab-suugaaneed sheeko ah oo aad u xiise badan. Waa warbixin koobaysa dhacdo ka mid ah taariikhda weli socota ee isirka soomaaliyeed. Waa mawduuc gaaxsanaa oo aan imika ka hor naaskiisa la dhiijin. Waa tallaabo dhiirran oo dhaqan qoraalkeenna aad ugu yar amaba aan ku jirin. Waa hoog aan hadaltiro afka ah mooyee hadda ka hor qoraal sugan laga samayn. Qof walba oo dareen la wadaaga ururkii al-Itixaad, ama Midowga Maxkamadaha ee maanta, buuggani indhihiisa wuxuu ka keenayaa illin. Qof walba oo diirayana ugu yaraan wuxuu ku ridayaa caloolxumo. Maxaa barbaar in uu noolaado xaq u lahaa hilbihiisa haadda loo wadhay! Maxaa hooyo goblantay! Maxaa marwo faraxsanaan lahayd hengel huwatay! Maxaa ubad agoomoobay!

 

 

Waxaas dhexdooda waxaa ka dhalanaya oo ka buuxa weydiimo. Malaha dhawr buug oo noocan ahi haddii ay dhaqankeenna geli lahaayeen, oo aynu akhriskooda kala dhaxli lahayn, malaha horornimadu waa ay inaga bixi lahayd, oo malaha hilbaheenna aynu u hamuumayno waa aynu ka waantoobi lahayn.

 

 

Qoraagan oo aan tobaneeyo sano hal-abuurkiisa la socday waxaan ku dhaliili jiray in aanu xil badan iska saarin qoraalladiisa xagga tifatirka. Sheekadiisii wanaagsanayd ee "Dumar talo ma laga dayey" ayey tifatir la'aantaasi si daran uga dhex muuqatay. Buugganise wuu dhammays tiran yahay. Weliba sida kuwiisii hore ayuu u sameeyey erayfur (walow uu erayo badan oo fudud oo aan qeexid uga baahnayn qeexayo).

 

 

Waxaa iyaduna xusid mudan in si joogto ah carrabka loola dhacayo haybta beeleed ee qof walba oo aynu sheekada kula kulmayno. Laakiin waa si dabiici ah oo muujinaysa dhaqanka wadaaddada. Marka kale waxay ka turjumaysaa waayo'araganimada kooban ee Samatar Ducaale. Waa markii koowaad ee uu dhex galay bulsho soomaali oo dhan isugu jirta. Shaki la'aan isdhdexgalka sidaas ahi waa mid goor walba loo baahan yahay. Taas waxaa marag u ah isbeddelka nafsadeed iyo feker ee uu ninkaas da'da yari ka helay aqoontii uu u yeeshay dad u dhashay qabiilooyin markaas ka hor ay magacooda iyo magaca sheydaanku isugu mid u ahaayeen. Ugu dambayn wuxuu garwaaqsanayaa run ahaantii dadka soomaalidu waxa keliya ee ay ku kala duwan yihiin in ay tahay xumaanta beenta ku dhisan ee ay qolaba qolada kale ka haysato.

 

 

Buuggu in uu u qoran yahay hab-sheekeed weriyaheedu ku hadlayo codka "aniga" waa doorasho habboon. Waa marka horee, shakhsiyadda sheekada ayeynu la wadaagaynaa dareen dhow dabadeed siinaynaa garawsho. Waa marka labaade, in uu inoo warramayo "aniga" oo ah "goobjooge" qisada ayaa inagaga helaysa kalsooni. Dhanka kalena, dareenka akhristuhu wuu isku xidhi karaa shakhsiyadda qoraaga iyo ta weriyaha sheekada. Laakiin looma baahna in la isku xidho, wax macno ahna ma leh. Waxaa inagu filan buugga in aynu u akhrino oo keliya qiso taariikheed oo waayo'aragnimo iyo waxtar kaleba inoo wada leh.

 

 

"Goobjooge: Qisadii al-Itixaad iyo Cabdullaahi Yuusuf" waa cutub ka mid ah qiso dheer oo weli Geyiga Soomaalida ka socota, gaar ahaan inteeda ku saabsan "islaamka siyaasadeed". Waa buug aad ugu habboon in la wada akhriyo.

 

 

Ibraahin Yuusuf Axmed — Sweden — 27 March, 2007

Ibraahinhawd@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this