Sign in to follow this  
Deeq A.

Agabka doorashooyinka Puntland oo ugu danbayn gaaray degmada Buurtinle

Recommended Posts

Deeq A.   

Agabka iyo sanaadiiqda doorashooyinka qof iyo cod ee degmooyinka Mudug iyo Buurtinle oo la mariyay jid ka baxsan laamiga dheer ayaa sida la xaqiijiyay ugu danbayntii gaaray degmada Buurtinle ee Gobolka Nugaal.

Gaadiidka sida sanaadiiqda iyo agabka doorashooyinka oo ay galbinayaan ciidamo ka tirsan dowladda ayaa laga gudbiyay jid leexsin ah oo mara dhanka Boocame iyo Karin-garfood islamarkaana laamiga Buurtinle ka gala hawdka Magacley.

Dhinaca kale ciidamada taabacsan siyaasiyiinta mucaaradka ayaa weli fadhiya Yoocada Bixin iyo sidoo kale togga Laacdheere ee duleedka Garoowe xilli aan lagu guulaysan xallinta xiisadda siyaasadeed ee ka taagan qabsoomidda doorashooyinka qof iyo cod ee Puntland.

PUNTLAND POST

The post Agabka doorashooyinka Puntland oo ugu danbayn gaaray degmada Buurtinle appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this