Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii u danbeeyay ee xiisadda ka taagan doorashooyinka Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
Polish_20230520_110047366-1.jpg?resize=7

Xogo kala duwan oo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijinaya in aan weli lagu guulaysan xallinta xiisadda siyaaaadeed ee ka taagan barnaamijka doorashooyinka qof iyo cod ee Puntland.

Siyaasiyiinta mucaaradka ee diidan barnaamijkan ayaa ciidamo dhigay jidadka ka baxa magaalada Garoowe halkaas oo la marin lahaa qaar kamid ah sanaadiiqda cod-bixinta doorashooyinka.

Ciidamada taabacsan mucaaradka ayaa ku sugan togga Laacdheere oo uu maro laamiga u baxa dhanka Gaalkacyo iyo sidoo kale dhoodida Bixin ee laamiga waqooyi.

Dhinaca kale ciidamada dowladda ee loo diyaariyay in ay qaadaan sanaadiiqda cod-bixinta ee degmooyinka Mudug iyo Nugaal ayaa ku sugan Garoowe welina lama qaadin sanaadiiqda.

Siyaasiyiinta diiddan doorashooyinka qof iyo cod ayaa sida la sheegayo dalbanaya in marka hore Madaxweyne Deni uu caddeeyo mowqifkiisa doorashada madaxtooyada Puntland ee 2024.

PUNTLAND POST

The post Wararkii u danbeeyay ee xiisadda ka taagan doorashooyinka Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this