Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo siyaasiyiinta mucaaradsan ku tilmaamay kuwa riyoonaya

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne Siciid Deni oo xalay hadal ka jeediyay soo dhaweyn loogu sameeyay degmada Isku Shuban ee Gobolka Bari ayaa sheegay in dadweynaha Puntland ay doonayaan hirgelinta doorashooyinka qof iyo cod.

Madaxweynaha ayaa sheegay in wacyiga dadweynaha Puntland uu isbeddelay oo ay raadinayaan dowladnimada iyo dimuqoraaddiyada islamarkaana aysan jirin cid qaldi karta.

Siciid Deni ayaa sidoo kale u jawaabay siyaasiyiinta mucaaradka ah ee ku baaqay in la joojiyo doorashooyinka qof iyo cod si aysan u horseedin qalalaase siyaasadeed iyo mid amni oo ka dhaca Puntland.

” Dadka wacyigooda ayaa isbeddelay markaas dadka ayaa doonaya dowladnimada iyo dimuqoraaddiyada. Inta yar ee weli riyoonaysa waxaan dhihi lahaa riyada waxaa u liidata tan soo jeedka lagu riyoodo. Kuwa soo jeeda oo riyoonaya hadda jira” ayuu yiri Mr. Deni.

Halkaan ka daawo Hadalkiisa

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo siyaasiyiinta mucaaradsan ku tilmaamay kuwa riyoonaya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this