General Duke Posted September 9, 2009 Muqdisho:Xoogaga Al-Shabaab oo goor dhaw xukun gacan goysma ah ku fuliyey laba dhalinyaro ah 9. september 2009 Muqdisho(AllPuntland )Xoogaga Al-Shabaab ayaa barqanimadii maanta xukun gacan goyn ku fuliyay Labo dhalinyaro oo lagu eedeeyay inay falal tuuganimo ah geysteen ,waxaana sidoo kale la jeedaleeyey wiilal lagu eedeyey kufsi.. Xaflad ka dhacday Degmada Dayniile oo ay ka soo qeybaleen saraaksiha ugu sareeysa Shababaka ayay ka jeediyeen muxaadarooyin goodin u badna , iyadoo dadkii ka qeybgalayna loogu hanjabay in wadadaas la marsiin doono cid walbaa oo muteysasata ciqaab nuucaas ah. Wiilasha lagu fuliyey xukunka gacan goysmada ayaa magacyadooda lagu sheegay Muriidi Maxamed Nuuriye iyo Cali Xuseen Bilisow, Gudoomiyaha Al-Shabaab Gobolka Banaadir Sheekh Cali Maxaa Xuseen ayaa Warbaahinta u sheegay in dhalinyaradaas lagu fuliyay Xukunka Alle, kadib markii lagu soo qabtay iyagoo dhacay alaabo adag. Dhaawaca wiialasha ayaa la dhigay isla cisbitaalka Dayniile , waxaana aad looga deyrinaa xaaladooda maadama ay isla goobtaba ku dhiig baxeen. Xukunka gacan goysmada oo ah mid aad looga taxadaro dhinaca shareecada islaamka ayay A-Shabaab marayaan dad kor u dhaafaya 17-ruux guud ahaan meelaha ay ka taliyaan. Xafiiska wararka Muqdisho AllPuntland Quote Share this post Link to post Share on other sites