Sign in to follow this  
General Duke

Hargaysa: Riyaale divides the Mugged ones again

Recommended Posts

Xisbiyada Mucaaradka oo Ummadda Somaliland ugu Baaqay in loo Hawlgalo Sidii Rayaale Lagu Dirqiyi Lahaa Saxeexa Heshiiska

 

“Madaxweynuhu yaannu nagu kellifin in aannu la soo baxno awoodo kale oo aan xilka kaga tuurno”

 

Waxay ahayd in Salaasadii la qabto xafladda saxeexa, madaxweynihii markii loo tegay wuxuu diiday inuu saxeexo, annaguna UCID iyo KULMIYE sidii baanu go’aamadii u ixtiraamaynaa”

 

 

Faysal Cali-waraabe

 

 

Waxaannu ku adkaysanaynaa in ummadda oo dhan ka hawlgasho sidii Daahir Rayaale loo oggolaysiin lahaa inuu saxeexo heshiiskaas oo waxa ummaddu doonayso yeelo”

 

 

Axmed-Siilaanyo

 

 

Hargeysa (Jam)- Guddoomiyeyaasha xisbiyada mucaaradka ah ee UCID iyo KULMIYE Eng. Faysal Cali-waraabe iyo Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ummadda Somaliland ugu baaqay in ay ka wada hawlgalaan sidii Madaxweyne Rayaale loogu dirqiyi lahaa saxeexa qodobadda go’aamada ergada dhexdhexaadintu ka soo saareen xallinta khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya xukuumadda axsaabta mucaaradka.

 

 

Shir-jaraa’id oo labada guddoomiye si wadajir ah xalay ugu qabteen hudheelka Imperial ee magaalada Hargeysa, waxa ay ka caddeeyeen in iyagu dhinacooda diyaar u yihiin saxeexa iyo dhaqangelinta go’aamada guddiga dhexdhexaadinta, iyagoo tilmaamay in sababta Madaxweynuhu u diiddan yahay heshiiskaasi ay muujinayso sida aannu diyaar ugu ahayn in doorasho dambe dalka ka dhacdo.

 

 

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Axmed-Siilaanyo oo ugu horreyn halkaa ka hadlay, ayaa isagoo mowqifka axsaabta mucaaradka ah waxa uu yidhi; “Waxaannu halkan ka caddaynaynaa in aannu diyaar u nahay in aan u hoggaansanahay go’aankii ay soo saareen guddiga dhexdhexaadintu, diyaarna u nahay fulintiisa, ku dhaqankiisa iyo hirgelintiisaba. Sidoo kale waxaannu caddaynaynaa in saxeexa qodobadda guddigu soo saaray uu yahay qodob aan laga maarmayn si ummadda oo dhan ugu wada kalsoonaato, uguna muuqato inuu heshiis qaran yahay.”

 

 

Waxa kale oo Md. Siilaanyo sheegay in wadahadalladii go’aamadan laga soo saaray ay dhexmareen guddoomiyeyaasha saddexda xisbi qaran, dabagalka iyo dhaqangelintiisuna tahay masuuliyad Madaxweyne Rayaale leeyahay, maadaama heshiisku yahay mid ummadda oo dhan iyo bulshada caalamkuba si weyn u wada sugayeen oo aad loo danaynayey.

 

 

“Hawshaas iyada ah waxaannu u aragnaa in sida qudha ee ummadda iyo annaguba ku qanci karno ee dadweynuhu qaadan karaa tahay in heshiiskaas saxeex rasmi ah la isugu yimaad, waxaanuna ka codsanaynaa oo ku guubaabinaynaa guddigii hawsha ku jiray in ay hawsheedii sii wado oo aanay halkaa kaga hadhin ilaa golayaashii loo baahnaa la marinayo ayaannu annagu leenahay,” ayuu yidhi Axmed-Siilaanyo.

 

 

Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa isaguna ku dheeraaday marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray muranka siyaasadeed ee dalka ka aloosan, isagoo xusay in heshiisyo hore looga gaadhay khilaafaadka ay xukuumadda iyo xisbigeeda UDUB kaga baxeen axsaabta mucaaradka ah, isla markaana hadda Madaxweyne Rayaale diiddan yahay saxeexa go’aamada ergada dhexdhexaadintu soo saareen.

 

 

“Go’aamadan markii la soo saaray madaxweynaha oo ay ahayd in annaga oo wada dhan naloo akhriyo wuu diiday oo wuxuu yidhi, nimankaa [hoggaamiyeyaasha mucaaradka] ha isu kaayo keenina, qolo kastana go’aankeeda siiya, sidii baanuna go’aamadii ergada ku qaadanay, kuna aqbalnay, laakiin waxaannu daba dhignay si loo arko in arrintu daacad laga yahay waa in saddexda guddoomiye xisbi wada saxeexaan, xaflad wanaagsana loo qabto.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this