Sign in to follow this  
General Duke

Hargaysa: Riyaale divides the Mugged ones again

Recommended Posts

Guddoomiye-ku-xigeen ka 2aad ee KULMIYE Oo Maamulka Riyaale Ku Eedeeyay In Uu Iska-horkeenayo Bulshada Somaliland

May 3rd, 2009

 

Hargaysa (Somaliland.org)- Guddoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE Mudane Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax ayaa ku eedeeyay maamulka wakhtigiisu dhamaaday ee Daahir Riyaale in uu wado dacaayado iyo borobagaande lagu kala qaybinayo oo la iskaga horkeenayo bulshada walaalaha ah ee Somaliland, kuwaasi oo uu waliba u adeegsanayo warbaahintii qaranka ee ummadda ka dhaxaysay.

 

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE Mudane Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax, waxa uu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay xarunta dhexe ee xisbiga KULMIYE ee magaalada Hargaysa, isaga oo ka jawaabayay war dhawaan lagu baahiyay qaar ka mid ah warbaahinta madaxtooyada laga maamulo iyo wargayska Maalmaha oo ka soo baxa Hargaysa, warkaasi oo lagu sheegay khilaaf soo kala dhex galay hogaanka sare ee xisbiga KULMIYE.

 

 

Mudane Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax waxa uu sheegay in warkaasi yahay been abuur iyo borobogaande ay xukuumadda wakhtigeedu dhamaaday ee Daahir Riyaale iyo xisbigeeda UDUB bulshada ku kala qaybinayaan.

 

“Waxaan filayaa waad aragteene War ku soo baxay Wargeyska Maalmaha, oo aan maqlay waxa laga soo saaraa Madaxtooyada ayaa qortay wax lagu tilmaamay shir ay laba beelood oo reer Somaliland ahi ay maalin dhawayd Xaafada New Hargeysa ku galeen uu ahaa shirqool loo waday in madaxda KULMIYE lagu bedelo sidaasi ayay sheegtay, labadaas beeloodna waxay ahaayeen ee wargeyskaasi sheegay beelaha Habar Awal iyo Habar Yoonis, horta shirkaasi ma uu ahayn mid beelo lagu galay waxa uu ahaa madax KULMIYE ah iyo madax dhaqameed weheliyay shirkaasi waxa loo qabtayna wuxuu ahaa sidii KULMIYE loo taageeri lahaa madaxdiisa iyo murashixiintiisa, si wanaagsana wuu u dhacay si wanaagsana waa la iskugu fahmay.” Ayuu yidhi Mudane Cabdiraxmaan Cabdiqaadir.

 

Md C/raxmaan C/qaadir isagoo arrintaas sii sharaxayay waxa uu yidhi “Halkan waxaan doonayaa inaan ka caddeeyo dawlada mushkilad baa haysata, dawladu waxay ka shaqaysaa inay beelahu kala fogaadaan. Waliba reerkayaga Habar yoonis cuqdad weyn ayay ka qabaanoo, haddii ay mar maqlaan reer kale oo reer Somaliland ah ayay la shireen xaalku wuu ku xumaadaaa, sababtuna waxa weeye reerkaasi waxay codka kaga doonaan ma aha wax baanu qabanaynaa oo wax baanu idiin keenaynaa waxay codka kaga doonaan waa la idinla col, waa la idin dilay, Habar-awal ayaa idin neceb, Habar jeclo ayaa idin baa biinaysa. Markaa haddii ay maqlaan beeshaasi ayaa beel kale shir nabadeed la gashay waxaad moodaa in qorshahoodii oo dhammi uu isku yaacay, waxaan doonayaa inaan u sheego dawlada nimanyohow Habar-yoonis halkaasi way soo dhaaftay sidii uu horeba dhawr jeer u sheegay Suldaankayagu.”

 

Guddoomiye Ku Xigeenka labaad ee KULMIYE oo ka hadlayay go’aankii guddidii xeer beegtida ahayd ay ka soo saartay khilaafaadkii siyaasiga ahaa ee ka dhashay dib u dhacii ku yimid doorashadii madaxtooyada waxa uu yidhi “Muran siyaasadeed oo aad u weyn ayaa ka taagnaa Somaliland murankaasna waxa keenay wakhtigii la doortay Madaxweynaha ee shanta sanadood ahaa oo ka dhammaaday 2008-kii, hase ahaatee Madaxweynaha iyo dawladii jirtay way ku guul-darraysteen inay doorasho Madaxweyne ay qabtaan, waa tii sadexdii xisbi kal hore ay shireen ee ay qabteen in 29 March 2009 ay doorashadu dhacdo tiina way qabsoomi weyday. KULMIYE wuxuu taagnaa markaa markii ay dhammaatay wahtigii la doortay iyo muddadii sanadka ahaa ee hore loogu kordhiyayba. Waxaad moodaa inay dawladu wada hadaladii ay markii hore diiday ay imika khasab ku qaadatay markii ay ******** haddii aanu shacbiga Somaliland aqoonsanayn Ina Rayaale in ay mushkilad tahay, taas ayaa caqligii ku soo celisay.”

 

“Horta heshiiskan waxa keenay dhex dhexaadin Anagu waxaanu taagan nahay lixdii bilood ee dhawaan Guurtidu kordhisay Madaxweynaha qayrul dastuuri ayuu ahaa, dastuurkeenu wuu caddeeyay sababta kaliya ee lagu kordhin karaa iyadoo nabad gelyo darro loo qaban kari waayo doorashada, dhexdhexaadintii Guddidii anaga wax bay nagu xukumeen dawladana wax bay ku xukumeen. Wixii ay nagu xukumeen waxay ahayd lixdaas bilood aqbala, waxase damaanad nalaga siiyay oo la mamnuucay in aan muddo kordhin dambe la samayn, haddii ay dhici weydo xiligan loo cayimay doorashada. Anagu heshiiskaasi waanu soo dhawaynay dawladuna sidaas si leeg , laakiin waxaanu filaynaa in sida ugu dhakhsaha badan ay u saxeexaan sidii Guddoomiye ee sadexda xisbi qaran ee heshiiskan gaadhay ay saxeexaan. Heshiiskaasi sidii loo saxeexi lahaa loona hirgelin lahaa waxay u taalaa Guddidii dhexdhexaadinta oo laga doonayo inay ka soo ansixiyaan labadii gole,”ayuu yidhi Md C/raxmaan C/Qaadir.

 

Guddoomiye ku xigeenku wuxuu taageereyaasha xisbigiisa ee Gobolada Somaliland oo dhan uga mahad celiyay sidii ay dhawaan banaan baxyada salmiga ah dareenkooda ugu muujiyeen, taasi oo uu ku adkaystay inay Madaxweyne Rayaale ku khasabto inuu aqbalo wada hadaladii uu hore u diidanaa.

 

C/raxmaan C/qaadir wuxuu ****olka ka qaaday in labada xisbi mucaarid ay isku raaceen inaanay kalsooni ku qabin xubnaha Komishinka doorashooyinka Somaliland, oo ay ku baaqeen in la bedelo marka laga reebo Xasan Cumar Hoori, oo ahaa xubintii cusbayd ee dhawaan la magacaabay. Waxaanu yidhi “Labada xisbi ee mucaaridka ah KULMIYE iyo UCID waxay soo jeediyeen in dhammaan xubnaha Komishinka doorashooyinka Somaliland la bedelo marka laga reebo xubintii cusbayd ee maalintii dhawayd la ansixiyay, oo la bedelo lixda xubnood ee kale oo muddo laba todobaad ka badnayna bedelkoodii lagu keeno, inta la soo buuxinayana ay xilkoodii sii wataan nimankan imika meesha sii joogaa.waxaanu rajaynaynaa in Mr Rayaale dawladiisa iyo xisbigiisu nala qaataan.”

 

Guddoomiye ku xigeenku wuxuu intaasi ku daray in labada xisbi ee mucaaridku ay soo jeedinayaan in la balaadhiyo Guddidii anshaxa iyo **** galka oo lagu biiriyo 14 xubnood ee hore sagaal xubnood oo kale oo laga keenayo sadexda xisbi qaran.

 

C/raxmaan C/Qaadir, wuxuu ku baaqay in si deg deg ah loo sii daayo Suldaan Saleebaan Boqor Xasan oo ku xidhan laanta baadhista dambiyada ee Hargeysa iyo nin kale oo ay walaalo yihiin Boqor Buur Madow oo ku xidhan xabsiga Mandheera, oo labadaba uu carabka ku dhuftay in loo xidhxidhay arrimo la xidhiidha xisbiga KULMIYE.

 

Intaas ka dib waxa suxufiyiintii shirkaasi sharaa’id ka qeyb galay ay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee KULMIYE iyo Cali Guuleed {Cali Maarshaal] ay weydiiyeen su’aalo ay ka mid ahaayeen kuwani.

 

S: Hadalkiinan aad leedihiin ha la bedelo Komishinka doorashooyinka, miyaanay ahayn caqabad hor leh iyo wakhtigii oo sii jiitamaya, waxaad ku cel celisay habr Yoonis, illaa imikana waxa la hayaa uun in xisbigiina KULMIYE la shiray beesha habar Yoonis?

 

J:C/raxmaan: Waxa shiray niman xisbiga KULMIYE ah niman xisbiga KULMIYE ka tirsan xisbi ahaan ayay ku shireen ee beelo kuma ay shirin, UDUB baa u dhigtay in laba beelood shireen.

 

Komishinka waxa soo qaaday Qodobada Guddida dhexdhexaadinta oo yidhi arrinta Komishinka sadexda xisbi qaran ha ka wada hadleen. Markaa ra’yigayagii labada xisbi ee mucaaridku keeneen uun baanu sheegnay cidna ma aan maagin xaqna waanu u leenahay.

 

S: Wakiilka Xisbiga UDUB ee Maraykanka ayaa dhawaan la kulmay Wasiirka Maaliyada ee Dawlada Somalia, xisbiga UDUB-na wey iska riixeen noo waxay yidhaahdeen ninkaasi beryahanba wuxuu la saaxiib ahaa wakiilada Maraykanka ee KULMIYE, sidaad u aragtaan kulankaasi iyo eedaha uu Xoghayaha Guud idiin soo jeediyayba.

 

J:C/raxmaan: Ninka la kulmay anagu ma naqaano waase ni UDUB ah, waxaanu qabnaa inaanu kaligii iska socon ee laga dambeeyay warar badana oo aanu haynaana waxay sheegayaan in wada hadalo hoosaad u socdaan dawlada Somaliland iyo dawlada ka dhisan Xamar.

 

Waxa kale oo aanu qabnaa sababaha loo doonayo inay doorashadu dib u dhacdo ay ku xidhiidhsan tahay sheekooyin ka dhex socda xisbiga UDUB iyo dawladaas Xamar.

 

Ninkaas Xoghayuhu waxyaabo badan buu iska yidhaahdaa, hadalkiisana waxba kama soo qaado oo waxaan u arkaa nin dalka ku cusub, Xoghayaha UDUB-na waxaan leeyahay waad qaboobiye’e qunyar soo soco.

 

J: Cali Maarshaal: waxaan doonayaa inaan hadalkaasi ku kabo ninkani waa nin xisbiga UDUB ka haya xil weyn oo waa wakiilka dhan ee Maraykanka iyo Canada u jooga xisbigaasi, waxa hadalkiisu daba socdaa hadalkii hore ee Madaxweyne Ku xigeenku u sheegay.

Ummadana waxa loo dabrayaa inta Xamar meel gaadhayso.

 

Axmed Maxamed Saleebaan (Dhugfe)

E – mail: afqarshe114@hotmail. com

www. Somaliland.org, Hargaysa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wacdaraha_Aduunka: Brother Riyaale has Mugged them for 10 years now. No recognition, no change, no progress other than for his family, friends and a few kinsmen.

 

We have the SNM group on the ropes, confused and battered. SOOL is part of Somalia juts like the areas ruled by Hargaysa today ya Norf. He, he, he....

Share this post


Link to post
Share on other sites

Norf sxb the people in SSC couldnt care less of the political moves of Riyaale and his henchmen and they're day will come soon inshalaah. Though the ones captivated by them are those who believe in Project Somaliland and ofcourse people like me who learn a trick or two from Riyaale :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalia: Somaliland opposition demands changes to election commission

3 May 3, 2009 - 1:03:07 PM

 

 

HARGEISA, Somalia May 3 (Garowe Online) - Two opposition parties in Somalia's separatist region of Somaliland have demanded that the government make changes to the election commission, Radio Garowe reports.

 

A press conference was held Sunday by Kulmiye party officials in Hargeisa, the capital of Somaliland.

 

Mr. Abdirahman Abdulkadir, the second deputy chairman of Kulmiye, told reporters that Kulmiye and UCID opposition parties agreed that the election commission members no longer enjoy the confidence of the opposition.

 

"The two opposition parties, Kulmiye and UCID, have proposed that all members of the election commission be changed, except the newly appointed member," Mr. Abdulkadir said.

 

He noted that the opposition was "hopeful" that Somaliland President Dahir Riyale and the ruling UDUB party will agree with the opposition's proposal.

 

Mr. Abdulkadir thanked the people of Somaliland for holding peaceful rallies across the region to express their opposition to President Riyale's term extension, which the opposition called illegal but was endorsed by the upper house of parliament (House of Guurti).

 

The political crisis in Somaliland has subsided since the Apr. 29 vote by the political mediation committee, which voted in support of President Riyale's term extension. READ: Somaliland mediation committee defends extension

 

Somaliland, located in northwestern Somalia, unilaterally declared independence from the rest of the country in 1991 but has not been recognized internationally.

 

Source: Garowe Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jamhuuriya's take:

 

, cutubyo ciidammo ah oo uu hoggaaminayey Badhasaabka Gobolka Hargeysa Mr. Cali Xasan Maxamuud (Cali Asad), ayaa ardaydaas ku horjoogsaday isgoyska dhinaca bari ka xiga xarunta madaxtoyada, waxaannu isku dayey inuu dejiyo dareenka kacsan ee ardayda, isagoo weydiinayey su’aalo la xidhiidha gadoodkooda, waxaann su’aalahaa uu ardayda la dhexqaadayey ka mid ahaa; “
Adeer yaa idinka dambeeyey ee idin soo diray? Ma KULMIYE ayaa idin soo abaabulay?”
iyagoo ardayduna u sheegayey in aanay jirin cid soo abaabushay, balse ujeeddadoodu tahay cabasho la xidhiidha shaki ay ka qaadeen in dugsiyooda la iibiyey, waxaanna jawaabaha ay Badhasaabka u celinayeen ka mid ahaa; “Cidna soo dirtay iyo cid naga dambeysaa ma jirtee, waxaannu u mudaharaadaynaa dugsiyagii ayaa nalaga iibiyey.”

 

Intaa kadib waxay ardaydu mar qudha isku majireen dhinaca jidka u kaca Maxkamadda Sare, iyagoo doonayey inay ka soo wareegaan waddada xagga dambe ka marta madaxtooyada, balse markii ay madaxoodii u horreeyey la siman yahay jidka galbeedka uga weecda Maxkamadda Sare waxa ka horyimi raxan gaadiid ah oo ay saaran yihiin ciidammo xooggan oo boolis ah, kuwaasoo si argagax iyo naxdin leh rasaas tiro badan oo qaddar daqiiqado ah socotay ku joojiyey socodkii ardayda oo uu badnaa carruur yaryar oo aan qaan-gaadhin, isla markaana dhawaqii xabbadaha la dulmariyey ku abuuray sas iyo baqdin uu midba meel u firdhaday. Arrintaas oo ay si weyn meel uga damqadeen dadweyne tiro badan oo daawanayey habdhaqanka argagaxa lahaa ee ciidammada ammaanku kala hortageen ardayda yar yar ee sida salmiga ah dareenkooda u muujinayey.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites

Daahir Riyaale Oo Diiday Inuu Saxeexo Go’aannadii Gudida Dhexdhexaadinta Khilaafka Siyaasadeed

May 5th, 2009

 

Hargaysa (Somaliland.org)- Guddoomiyaha xisbiga UDUB Daahir Riyaale Kaahin ayaa gaashaanka ku dhuftay in uu saxeexo go’aanadii ay dhawaan soo saareen guddida dhexdhexaadinta ee lagu soo afjarayay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya axsaabta Mucaaridka ah iyo xisbiga UDUB.

 

Warkan oo aanu ka helnay ilo xogogaal ah ayaa sheegaya in Daahir Riyaale uu maanta kulan la yeeshay guddidii dhexdhexaadinta khilaafaadka siyaasadeed, kulankaasi oo ay kaga wada hadlayeen sidii ay guddoomiyayaasha saddexda xisbi qaran madal loo dhan yahay ugu wada saxeexi lahaayeen go’aankii guddida dhexdhexaadintu dhawaan ka soo saartay khilaafka siyaasiga ah iyo dhaqan galintooda. Iyada oo maanta loo balansanaa saxeexida go’aamadan.

 

Guddoomiyaha xisbiga UDUB Daahir Riyaale ayaa la sheegay in uu guddida dhexdhexaadinta si cad ugu gacan saydhay saxeexida iyo dhaqan-gelinta go’aamadaasi. Warkani waxa uu sheegayaa oo uu intaa ku daray Guddoomiyaha xisbiga UDUB Daahir Riyaale in uu guddida dhexdhexaadinta u soo jeediyay in ay halkaasi kaga hadhaan arrintan. Isaga oo guddida dhexdhexaadinta ku canaantay in aanay markii hore go’aamadooda ku sheegin xaflad lagu saxeexayo in wakhti cayiman oo lagu dhaqan gelinayo go’aamada. Waxaana la seegay in uu guddida dhexdhexaadinta u caddeeyay in aanay jirin wax la saxeexayo iyo xaflad la qabanayo toona.

 

Guddida dhexdhexaadinta khilaafka siyaasiga ah ayaa la sheegay in ay maalina berri ah la balansan yihiin Axsaabta Mucaaridka ah si ay ugu gudbiyaan natiijada kulankaasi dhex maray iyaga iyo Guddoomiyaha xisbiga UDUB Daahir Riyaale Kaahin.

 

Xubnaha guddida dhexdhexaadinta ayaa laga filayaa badheedhaha ay ku caddaynayaan waxa hortaagan saxeexida iyo dhaqangelinta go’aamadii ay soo saareen, iyada oo hore ay saddexda xisbiga guddida u aqbaleen, isla markaana ay kalsooni buuxda ku siiyeen dedaalada ay u galeen dhexdhexaadinta iyo soo afjarida khilaafka siyaasiga ah ee u dhexeeya Axsaabta qaranka. Mana aha markii ugu horaysay ee Guddoomiyaha Xisbiga UDUB Daahir Riyaale ka baxo ama ka wacad-furo heshiisyo iyo go’aamo lagu xalilayo khilaaf siyaasadeed.

 

Axmed Maxamed Saleebaan (Dhugfe)

E – mail: afqarshe114@hotmail. com

www. Somaliland.org, Hargaysa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Rayaale oo ku adkaystay in Somaliland ku sii joogto jidka khaatumo la’aanta

May 7th, 2009

 

Riyaale “wuxuu nagu yidhi go’aankaas idinkaa watay oo qayb kamaanu ahayn”

 

Xeer-beegtida Dhexdhexaadinta

 

Riyaale “wuxuu nagu yidhi, ma anagaa heshiinay, mise go’aan baad nagu fuliseen?”

 

Guddida dhexdhexaadinta khilaafaadka

 

Hargeysa (Ogaal)- Guddida dhexdhexaadinta Khilaafaadka Siyaasadeed ee dalka, ayaa shalay sheegay in Rayaale ka cudur-daartay in uu saxeexo go’aamo ay hore uga soo saareen muranka taagan, isla markaana waxay Baarlamaanka ugu baaqeen in ay fuliyaan qodobka ka khuseeya go’aamadan. Waxaanay ka war bixiyeen hawlihii dhexdhexaadineed ee ay wadeen iyo waxaan u qabsoomin.

 

Saddex xubnood oo ka mid ah Guddidan dhexdhexaadinta oo shalay si wada-jir ah Shir-jaraa’id ugu qabtay Hutel Imperial ee Magaalada Hargeysa, ayaa warbixin dheer oo ay ka bixiyeen ujeedada ay isu xilqaameen oo ah xallinta khilaafka iyo halkay ka bilaabeen ka dib, waxay ka warbixiyeen saxeexa go’aanno ay soo saareen oo maalmihii u dambeeyay la filayay in ay si wada-jir ah u saxeexaan labada Xisbi Mucaarad iyo Madaxweyne Rayaale. “Waxaanu ka mid ahayn guddidii daba-galka iyo Anshaxa Doorashooyinka, sidaad ogaydeen waxa soo baxay go’aankii Golaha Guurtida oo khilaaf baa ka dhashay. Arrintaas Guddida oo ka kooban 14 xubnood ayaa ka fadhiistay oo waxay iska soo saareen 7 xubnood..Waxaanu markii u horraysay raadinay kalsooni, oo waxaanu ka bilownay KULMIYE, UCID baanu u gudubnay oo way naga aqbaleen. Ka dibna waxaanu muddo ka dib la kulanay Madaxweynaha oo wuu naga ogolaaday..Waanu isu keenay. Maalintii markaanu kulankooda ka soo baxnay, ayaanu shirnay oo ilaa habeenimadii shiraynay. Fadhigaa hore maalintaa ay na igmadeen ayuun baanu waxoogaa hadal ah oo aan badnayn oo aanu ka qaadnay..Waxaanu isla garanay in saddexdii Oday (M/weynaha iyo labada Guddoomiye Xisbi) isu keeno oo go’aankii soo dhex dhigno oo ay aqbalaan, gacantana isu-saarno oo cafis dhaco. Madaxweynihii baanu intaa ka dib la hadalnay oo aanu nidhi, go’aannadii inaanu idiin soo gudbino ayaanu doonaynaa ee muddadii noo qabo oo maanta (shalay) ku beegnayd. Wuxuu nagu yidhi, waad mahadsan tihiin, laakiin mar haddaad go’aamadii gaadheen in aad Nin walba halkiisa ugu geysaan.” ” Sidaa waxa yidhi Afhayeenka Guddida dhexdhexaadinta khilaafaadka Siyaasadeed ee dalka Jaamac Axmed Maxamed (Oday) oo ka mid ahaa saddexda xubnood oo guddida ah ee Shirka-jaraa’id qabtay, kuwaas oo kala ahaa Afhayeenka, Xuseen Cali Nuur iyo Sh. Ismaaciil Cabdi Hurre (Dheeg). Waxaanu Afhayeenku intaa ku daray oo uu yidhi, “Markaa halkaa markay maraysay waxa guddidii isu bedeshay Maxkamad. Sidaa darteed, waxaanu go’aamadayadii ka saarnay qodobka 6aad oo dhigayay in uu dhaqan geliyo marka la saxeexo. Sababtoo ah, sharciyan ma socoto go’aankaygu wuxuu hirgelayaa marka la saxeexo. Waxa kale oo aanu ka saarnay astaan kasta oo kale oo keenaysa in go’aannadayadu si furan u gudbaan…Anagoo kalsooni ka qabna Shacabka, ayaa waxaanu go’aamadaa labadii Guddoomiye iyo Madaxweynaha ku fulinay. Bushqad baanu ku ridnay, nin walba Magaciisa ayaanu ku qornay oo Oday baanu ugu dhiibnay. Waxaanu diyaar u nahay markaa guulayso ama ha guulaysan oo ninkii go’aankaa diida aanu nidhaahno, waad arkaysaan umadeey oo hebel baa diiday..dhinacyadii way aqbaleen go’aamadii.”

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dullinimo Dugsi Ma Leedahay?

May 8th, 2009

 

Dullinimo Dugsi Ma Leedahay?

 

Bishii March ee sannadkan markii uu Daahir Riyaale booqashada ku yimi Carriga Ingiriiska waxa rugtii uu degganaa u gabaaragurdaynayey habeen iyo maalinba askhaas iyo kooxo kala anwaac ah oo mid weliba dan gaar ah meel ku soo guntaday. Nimankaas badankoodu oo mid weliba suudh isku soo taagay waxay inta badan ku susumayeen rugta Riyaale deganaa goor fiid ah iyagoo weliba qaarkood muraayado madow iyo koofiyado kala kaan ah isku qarinaya si aan loo aqoonsan ama loogu sawiran meesha. Nimankaasi waa niman Ingiriiska ku nool oo haddii aanu camal hayn ay dawladda ingiriisku biiliso, haddii kalena ay yihiin niman lafahooda u xoogsada. Dhammaantood waxay ka sinaayeen inay Daahir is-hoos dhigaan oo weydiistaan inuu u fuliyo dano gaar ah oo lagaba yaabo inayba xaq u leeyihiin muwaadin ahaan. Qaar kalena waxay ku qadhaabanayeen magac beeshooda iyagoo war bixin qarsoodi ah ka siinaya Riyaale wasiir ama masuul ka soo jeeda beeshooda si isaga loogu beddelo ama mid uu wato.

 

Bisaddu waa xayawaan kala taqaanaa xaaraanta iyo xalaasha waayo markay hilib salladda kala boodo intay la fogaato ayey kolba hareeraha iska eegtaa in weerar ku soo maqan yahay illayn way garanaysaa inay wax qalad ah samaysaye, haddiise aad adigu hilibka siiso agtaad ayay ku raamsataa iyadoo aan baqanayn waayo way garanysaa inay xalaal ku heshay cadkeeda.

 

Nimankaasi is qarinayey way garanayaan in waxa ay sameenayeen damiir xumo tahay haddi kale sabab ay isu qariyaan oo kolba dhinac isugu dadbaan ma jirteen. Waxa inta dheer haddii aad ku sheegto mid ka mid ah nimankaas inuu Daahir Riyaale la kulmay waxa laga yaabaa cadhada uu qaado inuu dhiig kaaga dhiijiyo. Sidaas oo ay tahay kuwaasi weli in yar oo damiir ah ayaa ku hadhsan laakiin waxa maanta debed iyo gudaba ku badan qaar iyagu u soo qaashaartay inay khaddaamiin daacad u ah Riyaale ay noqdaan oo jecel inay ku shaqeeyaan mabda’ ah “Marxaba Yaa Sayidii”. Taasina waa ta jarka ka tuurtay Riyaale.

 

Haddii haddaba kuwii wax haystay amaba la bidiyey inay aqoon leeyihiin ay falalka foosha xun ee noocaas ah ay ku kacayaan, maxaad ka filaysaa kuwa wasaarado la xaalufiyey oo boono la gooyo mooyaane aan biiro ku hadhin oo sida gorgorka ku dul meerasanaya habeen iyo maalinba bal in ay wuxuun kaga soo duulaan.

 

Waddanka ta ka taaganina way ka sii fool xuntahay. Haddii aynu eegno markii uu socday loolankii doorasho-ku-sheeggii xisbiga UDUB waxa loo qaybiyey waraaqo dhammaan mulkiilayaasha huteelada magaalada Hargeysa ku yaalla iyadoo la farayo inaan laga kirayn meel ay shirkooda ku qabsadaan garabkii UDUB ee is-beddel doonka ahaa ee uu hor kacayey Cabdillaahi Darawal. Waxa Alle wixii huteel magaalada Hargeysa ku yaallay nin huteelkiisa ka kireeya nuimankaas odayaasha ah waa la waayay inkastoo maalintii ugu horreysay ay jirtay nin ka kireeyey huteel yar oo meel la kala fadhiisto la waayay oo la isku buquujiyey oo markiiba lagu kala tagay. Huteeladaasi aynu ka hadlaynaa ma aha qaar uu Daahir Riyaale dhisay ama lacag ay dawladdu leedahay oo amaah lagu dhisay laakiin waa huteelo rag xoogoodii ku dhistay siday doonaanba ha ku helaane. Nimankaasi xaqoodii iyo xorriyadoodii muwaadinimo may difaacin ee ahaa inay iyagu xaq u leeyihiin cidda ay ka kirayn karaan huteelkood iyo cidda kale maadaama aanay dawladdu saami iyo amaahtoona aanay ku lahayn hantidooda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this