Sign in to follow this  
Deeq A.

Aqriso: 4-ta qodob ee Xasan uu la wadaag madaxda Jaamacadda Carabta

Recommended Posts

Deeq A.   
347659823_565463725701067_57008970774863

Jeddah (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta ka qeyb-galay meertada 32-aad ee shir-madaxeedka Jaamacadda Carrabta ayaa ka jeediyay khudbad uu uga hadlay horumarka ka jira dalka, fursadaha iyo caqabadaha ku xeeran dowladnimada Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan ayaa waxa uu Boqorrada, Amiirrada, Madaxweyneyaasha iyo Hoggaamiyeyaasha Carbeed la wadaagay afar arrimood muhiim ah, kuwaasi oo kala ah; 1- Gulufka dagaalka ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, 2- La-wareegida ciidanka Soomaaliyeed ee amniga dalka, 3- Hiigsiyada qaran ee deyn cafinta iyo 4- Xasillinta siyaasadeed ee dalka.

Madaxweynaha ayaa waxa uu tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay waddo howl-gallo qorsheysan oo dalka lagaga xoreynayo argagixisada Al-Shabaab, loona diyaarinayo ciidanka Soomaaliyeed in ay si buuxda ula wareegaan amniga dalka, iyada oo ay qorsheyaashaas barbar socdaan hiigsiyo qaran oo ku aaddan deyn cafinta Soomaaliya iyo xasilinta siyaasadeed ee dalka.

“Waa inaan dardar-gelinno iskaashiga iyo wax-wadaqabsiga heer Carbeed. Soomaaliya maanta waxay ka soo kabanaysaa duruufo adag oo ay dhabar adeyg ku wajaheen shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaan rajaynaynaa in aad sii laba jibaartaan garab istaagga walaalnimada ah ee aad noo muujiseen. Soomaaliya xasilloon oo hurumarsan waxay guul u tahay dhammaan dalalka Carabta.”

Mudane Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay soo dhaweynayaan dib ugu soo noqoshada Jamhuuriyadda Suuriya ee madasha Jaamacadda Carabta.

Sidoo kale waxa uu dhanka kale xoojiyey baaqii Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku wajahnaa walaalaha dalka Suudaan in ay joojiyaan dagaalka, wada-hadallna ku dhameeyaan xaaladda ka taagan dalkaas.

Madaxweynaha ayaa waxa kale oo uu hoggaamiyeyaasha xasuusiyey in dalalka Carabta ay ka jiraan dhibaatooyin badan oo ay ugu horreeyaan amni xumo, xasillooni darro siyaasadeed iyo dhibaatooyin dhaqaale.

Ugu dambeyntiina waxa uu madaxweynaha ku baaqay in loo midoobo sidii loo wajihi lahaa caqabadahaas, uu kaga dhawaajiyay khudbadiisa uu ka jeediyay meertada 32-aad ee shir-madaxeedka Jaamacadda Carrabta.

348226743_1886080555099818_8216111610939

347805485_230013403067825_13275113418183

347637425_265784599247647_15027227935018

347659823_565463725701067_57008970774863

348435228_757358299306051_14964706336500

The post Aqriso: 4-ta qodob ee Xasan uu la wadaag madaxda Jaamacadda Carabta appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this