Gabbal Posted October 10, 2006 Ciidamo Kenyan ah oo dhaq dhaqaaq ka wada xuduuda G/Gedo Baardheere 10, Oct.06 ( Sh.M.Network) Ciidamo tiro badan oo Kenyan ah ayaa sida wararka lagu helayo la soo dhoobay dhinaca xuduuda Kenya ay la wadaagto gobolka Gedo, kuwaasi oo dhaq dhaqaaqyo ka wada halkaasi. Dhaq dhaqaaq ciidan oo ay wadaan ciidamada dowladda Kenya ayaa si weyn looga dareemay gobolka Gedo, gaar ahaan deegaanada ku dhow dhow xuduudaha, inkastoo dhaq dhaqaaqyadaasi ay yihiin kuwo kooban oo Kenya ay uga gol leedahay in ay ku adkeyso amaanka xuduuda ay la wadaagto dalka Somalia. Wararka laga helayo degmada Ceelwaaq ayaa sheegaya in ciidamada Militariga dalka Kenya iyo kuwa booliska oo wata gawaarida gaashaaman in la dhigay xuduuda u dhaxeysa labada magaalo ee ceelwaaq Somalia iyo Ceelwaaq Kenya. Goobjoogayaal ku sugan degmada Ceelwaaq ayaa sheegaya in la arkayay boqolaal ciidamo Kenyan ah oo gaaf wareegaya xuduuda labada magaalo, kuwaasi oo baaraya dadka iyo gaadiidka ka imaanaya dhanka Somalia. Ciidamadan ayaa sidoo kale waxa ay xayiraad ku soo rogeen isgaarsiinta magaalada Ceelwaaq Kenya iyo dhaq dhaqaaqa ganacsiga, lamana yaqaan sababaha ciidamadaan loo soo dhoobay xuduuda, laakiin warar ayaa sheegaya in ujeedkooda uu yahay sidii ay uga hortagi lahaayeen dhibaato Kenya kaga yimaada dhinaca Somalia. Shabelle Media Network Somalia Quote Share this post Link to post Share on other sites