Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii u danbeeyay ee doorashada ku celiska ah ee Turkiga

Recommended Posts

Deeq A.   
01000000-0aff-0242-1d43-08db54da3ef1_cx0

Musharaxa la loolamaya madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa Khamiistii adkeeyay codkiisa ka dhanka ah muhaajiriinta, isaga oo wacad ku maray inuu dhammaan muhaajiriinta ku celin doono dalkooda, haddii lagu doorto doorashada ku-celiska ah ee 28-ka May.

Kemal Kilicdaroglu, oo ah musharaxa isbaheysiga lixda xisbi ee mucaaradka, ayaa ku guuleystay 45% codadka doorashada Axaddii, halka Erdogan uu helay 49.5%, isaga oo waxyar ka hoos maray 50% si looga baaqsado doorasho ku-celis ah.

Hadalladii ugu dambeeyey ee Kilicdaroglu ayaa yimid ayada oo la filayo in musharaxii kaalinta saddexaad ka galay doorashada uu ku dhowaaqo go’aankiisa ku saabsan cidda uu taageerayo wareegga labaad.

Sinan Ogan, oo ah siyaasiga xisbiga diidan qaxootiga, ayaa helay 5.2%, taasi oo taageeradiisa muhiim ka dhigtay wareegga kala reebtada ah.

Isaga oo khudbad ka jeedinayey xarunta xisbigiis CHP, ayaa Kilicdaroglu wuxuu ku celiyey sida xooggan ee uu uga soo horjeedo siyaasadda Erdogan ee ku aaddan socdaalka.

“Erdogan, waxaa si kas ah ugu ogolaatay 10 milyan oo qaxooti ah inay yimaadaan Turkey. Waxaad xitaa iibisay muwaadinnimadii si aad cod u hesho,” ayuu yiri Kilicdaroglu isaga oo aan bixin caddeymo.

Turkey ayaa waxaa ku nool bulshada ugu badan caalamka ee qaxooti ah oo gaaraya 4 milyan oo qof, sida ku cad diiwaanka dowladda.

PUNTLAND POST

The post Wararkii u danbeeyay ee doorashada ku celiska ah ee Turkiga appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this