Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyay kulamada Xasan Sheekh ee Qatar

Recommended Posts

Deeq A.   
346886108_626259832712785_25370867914774

Doha (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo ka wada magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qatar, halkaasi oo uu gaaray Talaadadii.

Madaxweynaha ayaa waxa uu kulammo kala duwan la yeeshay hoggaanka rugta ganacsiga Qatar iyo ururka ganacsatada Qatar, isaga oo u soo bandhigay sida dowladda federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay xoojinta fursadaha maalgashiga.

Xasan Sheekh ayaa ganacsatada dalka Qatar waxa uu u iftiimiyey fursadaha maalgashiga ee ka jira dalkeenna, kheyraadka dihan ee ka faa’iideysigoodu uu fursadda u yahay shacabka Soomaaliyeed iyo malgashadeyaasha caalamiga ah.

“Soomaaliya waa dal hodon ah dhanka khayraadka, waxaan leenahay dhul-beeraadkii, baddii iyo barrigii oo dihan. In la maalgashado waxaa hortaagnaa argagixisada dhiigmiiratada ah, iyagana hadda waa ka xoreynaynaa taako kasta oo ka mid ah dalkayaga,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Hal-abuureyaasha ganacsi iyo maalgashadeyaasha waaweyn ee dalka Qatar ayaa dhankooda uga mahad-celiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud xogtan dhammeystiran ee ku dhiirri-gelinaysa in ay hantidooda geliyaan Soomaaliya.

Sidoo kale waxay si weyn ugu bogaadiyeen guulaha dowladnimada ee ay gaareen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Dhanka kale, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxa uu kulan gaar ah magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qatar kula yeeshay saraakiil iyo saraakiil ku-xigeenno tababar ku qaadanayo waddankaasi.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxa uu la wadaagay saraakiisha ay Soomaaliya u tababareyso Qatar, warbixin ku aadan xaaladda dalka iyo guulaha laga gaaray dagaalka Al-Shabaab.

Waxa uu hoosta ka xariiqay in idhalinyaradaan looga baahan yahay inay hormuud u noqdaan howl-gallada xoreynta ah ee haatan ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliya aysan heynin askar la’aan balse ay tahay saraakiil la’aan., “dhibaatada Soomaaliya heysta maanta askari ma’ahan ee waa sarkaal la’aan.”

Si kastaba, Madaxweyne Xasan Sheekh inta uu ku sugan yahay dalkaasi waxay madaxda iyo diblumaasiyiinta kale ee ku wehlinaya safarkaan madaxweynaha ay la saxiixan doonaan dhiggooda dalka Qatar heshiisyo iyo is-afgarad ku qotoma danaha Soomaaliya.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sidoo kale innoo sheegay in socdaalka madaxweynaha ee Qatar ay qeyb ka tahay qorshaha ay dowladda taageero dhaqaale ugu raadinayso dagaal culus ee kula jirto kooxda Al-Shabaab.

Safarkan ayaa noqonaya kii saddexaad ee madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tego dalka Qatar, tan iyo markii dib loo doortay 15-kii May ee sanadkii hore.

Qatar ayaa kamid ah dowladdaha Carbeed ee taageera Soomaaliya, waxayna mashaariicyo kala duwan ay ka fulisa gudaha dalka, sida dib u dhiska waddooyinka iyo kuwa kale.

346665740_259821576459815_42772356329273 346886108_626259832712785_25370867914774 346862601_959693055279438_80483292045752 346839369_1929655570708415_8486997754336 346985846_1492443584925307_3173413766346 347648720_263054979468661_50370980381965 347096334_3534370380141067_8771182091271 347800948_919445322497831_16702063341171

The post Wararkii ugu dambeeyay kulamada Xasan Sheekh ee Qatar appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this