Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Madaxweyne Xasan oo caawa ka degay dalka…

Recommended Posts

Deeq A.   
347395479_652295826738555_48207661041748

Jeddah (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa caawa gaaray magaalada Jidda ee dalka Boqortooyada Sucuudi Carabiya.

Madaxweynaha ayaa berri oo Jimce ah ka qeyb-gali doona Meertada 32-aad ee hoggaamiyeyaasha dalalka ku mideysan Jaamacadda Carabta oo lagu gorfeynayo qadiyadaha wada-jirka ah ee ay wadaagaan dalalka Carabta iyo arrimaha Gobolka.

Xasan Sheekh ayaa waxa uu la wadaagi doona Boqorrada, Amiirrada iyo Madaxda dalalka Carabta xaaladda Soomaaliya, guulaha laga gaaray dowlad-dhiska, dagaalka ka dhanka argagixisada iyo xaqiijinta Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo wafdigiisa ayaa kulan-doceedyo la qaadan doona wufuudda dowladaha Carbeed ee Shirka ka qeyb galaya, si ay u xoojiyaan doorka dalkeenna ee Gobolka iyo Dallada Carbeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maalmihii dambe ku sugna magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qatar, hakaasi oo caawa uga soo duulay magaalada Jidda ee dalka Boqortooyada Sucuudi Carabiya.

Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugna Dooxa waxa uu Qasriga Madaxtooyada dalkaas kulan kula qaatay Amiirka Qatar Mudane Tamiim Binu Xamad Al Taani.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Amiirka Qatar Sheekh Tamiim Binu Xamad ayaa kulankooda diirradda ku saaray xoojinta iskaashiga labada dal, amniga iyo dhammeystirka hirgelinta heshiisyadii ay horey u galeen Soomaaliya iyo Qatar, taasi oo dhabbaha u xaareyso adkeynta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dowladood.

Amiir Tamiim Binu Xamad ayaa dhankiisa bogaadiyey guulaha miro-dhalka ah ee laga gaaray dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, isaga oo dowladda federaalka Soomaaliya ku ammaannay daddallada ay ku bixineyso ka sifeynta dalkeeda argagixisada iyo inay hormuud u noqoto xasillooni waarta oo ka hirgasha gobolka Geeska Afrika.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad dagaal, kaasi oo uu haatan taageero caalami ah u raadinayo madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana dhawaan la filayaa in dalka ka billowdo wejiga labaad ee dagaalkan oo qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska.

347395479_652295826738555_48207661041748 348249678_792832992462551_13321858592121 347121954_911089416858951_24797003308038 346973819_263244986204727_79675736669894 347109131_216706921118151_70475933843337 346962367_710401250842147_56302225132430 347884541_536461278490993_47066043793982 347598711_233940695915696_55045210633041 346993770_921465085747637_40937611697605

The post Sawirro: Madaxweyne Xasan oo caawa ka degay dalka… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this