Sign in to follow this  
Deeq A.

Xamza oo kulan xasaasi ah la yeeshay golaha dhaqaalaha qaranka, farayna hal arrin

Recommended Posts

Deeq A.   
348249340_195417056746261_11470268566925

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta kulan la yeeshay Golaha Dhaqaalaha Qaranka.

Kulankaan ayaa waxaa looga hadlay qodobada mudnaanta u leh horumarinta dhaqaalaha dalka iyo barnaamijka dayn cafinta, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Sidoo kale waxaa kulankaan diirada lagu saaray kobcinta cilmi baarista dhaqaalaha, kobcinta heerka nolosha shacabka Soomaaliyeed iyo wada-shaqeynta hey’adaha kala duwan ee dowladda iyo Golaha Dhaqaalaha Qaranka, si loogu diyaar garoobo koboc dhaqaale waara marxaladda ka dambeysa deyn-cafinta iyo ka xoreynta.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyay Golaha dadaalkii ay ku bixiyeen diyaarinta wejiga 1-aad ee Hiigsiga Qarni-jirka ee 2060-ka, isaga oo faray inay dardar-geliyaan qorshaha dhaqaalaha dalka kadib deyn cafinta iyo sidii dalku u yeelan lahaa kaaboyaal dhaqaale oo xooggan.

Golaha Dhaqaalaha Qaranka ayaa dhawaan isku raacay in dalka uu yeesho hiigsiga 2060, iyaga oo meel-mariyay talooyinkii ka soo baxay wajiga 1-aad ee geeddi-socodka diyaarinta hiigsiga 2060, kadib kulan ay ku yeesheen Madaxtooyada Qaranka, kaasi oo uu shir-guddoominayey madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale waxay isla meel-dhigay in hiigsiga 2060 uu noqdo dukumentiga hagi doona dhammaan qorshahayaasha horumarineed ee dalka, si loo xaqiijiyo Soomaaliya xasilloon, barwaaqo ah, dadkeeduna haystaan nolol tayadeedu sarrayso.

Golahaan ayaa waxa uu xilligaasi usoo jeediyay xukuumadda federaalka Soomaaliya in la ansixiyo diyaarinta hiigsiga 2060 iyo meel-marinta talooyinka ka soo baxay heerka farsamo ee golaha dhaqaalaha qaranka.

Si kastaba, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka go’an soo noolaynta dhaqaalaha dalka iyo dhammaystirka hannaanka dayn cafinta oo hadda meel fiican maraya, iyada oo xukuumadduna qaaday tallaabooyin la xiriira la-dagaalanka musuqa.

xamza-1.jpg?resize=696%2C464&ssl=1 348249340_195417056746261_11470268566925 348289192_964939094922918_81782839602387 348258159_197511263163406_78074852327385 348225170_770329631223650_53883100462850

The post Xamza oo kulan xasaasi ah la yeeshay golaha dhaqaalaha qaranka, farayna hal arrin appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this