Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha wasiirada ‘oo qiray guul aan caadi aheyn’ oo laga gaaray…

Recommended Posts

Deeq A.   
348236007_789586689131630_58583502680303

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha wasiirada Soomaaliya oo maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa uga hadlay hal ajende oo ah amniga caasimada.

Kulankan ayaa waxaa guddoomiyay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, ayada oo ay inta badan goobjoog ahaayeen xubnaha golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa kulanka maanta ka qayb-galay guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho iyo saraakiisha laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Ugu horreyn golaha warbixin ka dhageystay duqa Muqdisho iyo taliyeyaasha ciidanka ee goobjooga ahaa, kuwaas oo faahfaahiyay guulaha laga gaaray amniga gobolka Banaadir.

Sidoo kale ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in lagu guuleystay sugidda amniga Muqdisho, isaga oo sheegay in sare u qaadday kalsoonida shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaan dowladdooda, sida uu hadalka u dhigauy

Sidoo kale wuxuu intaas ku daray in Xukuumadda #DanQaran oo ka duulaysa Tiirka Amniga iyo Dib u Xorreynta ay qaadday tallaabooyin wax ku ool ah oo suuragaliyay in nolosha shacabka, ganacsiga iyo isu socodka dadweynaha uu si weyn u hagaago.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale tilmaamay in guulaha la gaaray ay ka mid tahay in magaalada si buuxda la isugu furo, taasi oo masuuliyiinta Qaranka ku dhiirrigelisey in ay tagaan degmo kasta oo gobolka Banaadir ka tirsan, talaabadaas oo aan macquul ahayn muddo ka hor.

Ugu dambeyn ra’iisul wasaare Xamza ayaa saraakiisha hay’adaha amniga ku ammaanay dadaallada ay wadaan ee lagu xasillinayo amniga caasimada, isagoo tilmaamay in hadafka Xukuumadda Dan-Qaran uu yahay in magaalada Muqdisho laga dhigo caasimadda ugu amniga badan qaaradda Afrika, wuxuuna faray in ay dadaalkooda sii laban-laabaan.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa qayb ahaan amniga lagu wareejiyay ciidamo boolis milataaro ah oo kusoo tababartay Uganda, kuwaas oo guul ka keenay amniga caasimada.

348221382_1332351674019630_6022069057375 348236007_789586689131630_58583502680303 Jimcaale.jpg?resize=696%2C464&ssl=1 Shub.jpg?resize=696%2C464&ssl=1 taliyeyaal.jpg?resize=696%2C464&ssl=1 347113352_1244031926252702_2616549496379 347121809_909603816810913_21713447511255 347393707_1852732128453509_3887188291561 347775727_275481381489747_79317470007357 347793986_677126411114032_45893406385320

The post Golaha wasiirada ‘oo qiray guul aan caadi aheyn’ oo laga gaaray… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this