Meiji Posted June 6, 2009 The coalition of extremists have focused their attention on Gobolade dhexe, specifically in defeating the Mujaahideenta Soomaaliyeed. Xasan Aweys and Xasan Turki are reported to be heading towards Galgaduud to back up their partner in the Coalition of Extremists: Alshabab. So far, the Ahlu Sunnah Wal Jamacah brave fighters have withstood every assault by the extremists and cleansed these bad copy of Taliban from: Guriceel, Dhusomareeb, Ceel Buur, Waxbo, Dac etc. In Mogadishu, the coalition of extremists is stuck and are been rolled back. Since their 2-day victory which came about after many soldiers swichted to their side they have captured not a single inche. When Mujaahideenta Soomaaliyeed in Gobolade dhexe break the coalition of extremists the roll-back can start. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Meiji Posted June 6, 2009 Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo saraakiil ka tirsan ururka Xisbul Islaam oo gaaray deegaanka Wabxo ee gobolka G/gaduud Guddoomiyaha ururka Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aways oo ay la socdaan saraakiil ka tirsan xisbigaasi ayaa lagu soo warramayaa inuu gaaray deegaanka Wabxo ee ka tirsan degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud oo ay shalay ka dhaceen dagaallo aad u culus oo ay xoogagga Iskaashanaya ee Xisbul Islaam iyo Al-shabaab gacanta ku haynta deegaankaasi ugala wareegeen dhaq-dhaqaaqa hubeysan ee Ahlu Sunna wal-jameeca. Sheekh Xasan Daahir ayaa lagu soo warramayaa inuu xalay kulamo la qaatay saraakiisha ciidamada taabacsan xisbigiisa iyo kuwa xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ee shalay dagaalka ka qayb galay, kulankaasoo aan xogta rasmi ah laga haynin haddana waxaa loo badinayaa inay ka wada hadleen sidii ay ay labada cudud isaga kaashan lahaayeen weerar la sheegay in Sheekh Xasan Daahir uu ku damacsan yahay inuu ku qaado degmooyin ka tirsan gobolka Galgaduud. Wararka laga helayo degmadaasi ayaa sheegaya in Sheekh Xasan Daahir oo wata tiro gaadiidka dagaalka ah uu maalmo kooban ku sugnaan doono deegaanka Wabxo ka hor inta uusan uga sii gudbin degmooyin kale oo ka tirsan ee gobolka Galgaduud, inkastoo aan ilaa hadda la sheegin karin sida ay ugu suurto geli karto inuu dagaal ama xeeladba ugu gaaro degmada Guriceel oo ay haatan gacanta ku hayaan dhaq-dhaqaaqa hubaysan ee Ahlu-sunna Wal-jameeca. Quote Share this post Link to post Share on other sites