Sign in to follow this  
General Duke

Shirkii Jaaliyadaha Puntland - Puntland Diaspora conference opens....

Recommended Posts

zpdf1l.jpg

 

 

Minneapolis: Shirkii Jaaliyadaha Puntland oo furmay & Go’aamada laga dhowrayo shirkaasi.

10. oktober 2009

 

 

Minneapolis(AllPuntland)- Jaaliyadaha Puntland ee ku dhaqan dalalka Shisheeya ayaa garowsaday in ay, qaataan wada xaajoodyo ku saabsan xaaladaha dalka iyo Horumarintiisa, waxa ayna wada hadalo sadex maalmood qaadan doona uga furmeen dalka Mareykanka, ayagoo ay goobta soo xaadireen Madax badan oo ka tirsan dhinacyo kala gedisan.

 

Wasiiro ka socda dawladda Puntland, Aqoonyahano ka yimid Puntland iyo Siyaasiin kala duwan oo ka tagay Puntland ayaa hadalo ka jeedin doono shirka, waxa ayna warbixino badan ka jeedin doonaan shirkaasi, ayagoo soo qaadi doona xaaladaha horumarineed ee deegaanada Puntland.

 

Qodobada ugu horeeya ee ay falan-qeyn doonaan ama ka hadlayaan ka qeybgalayaasha shirka ah ayaa ah, Burcad Badeeda, Amaanka iyo Horumarka Puntland, ayadoo ay hadalo arrimahaasi ka jeedin doonaan Wasiirada Puntland iyo dadka dhawaan ka tagay Puntland, soona booqday dhamaanba gobalada.

 

Arrimaha Caafimaadka Puntland, haweenk, Waxbarashada, korarka dhaqaalaha, Siyaasada Puntland ee ku wajahan habka Faderaalisimka iyo qodobo kale ayaa la eegi doonaa, kuwaas oo dhamaadka wada hadalada laga soo saari doono talooyin & go’aamo khuseyn doona dadka Puntland.

 

Halka lugu qabanayo sannadka soo socda wada hadaladan ama shirkan oo kale ayaa laga doodayaa, sidoo kale ayaa warar soo baxayaa ay sheegayaan in lugu qaban doono gudaha deegaanada Puntland, inkastoo ay Madaxda Qurba-joogta Puntland aysan wali shaacin arrintaasi.

 

Siyaasiinta iyo Madaxda dawladda Puntland ayaa soo dhaweeyey arrintan, waxa ayna sheegeen in ay muhiim tahay in la wada tashada lagana shaqeeyo horumarka iyo daganaanshaha dalka, waxaana lafilayaa in ay qaar ka mid ah Madaxda dawladda Puntland ay khadka telfoonka uga qeybgalayaan wada xaajoodyadaasi.

 

AllPuntland kala soco waxyaabaha ka soo baxa shirkaasi.

 

F. C. Maxamed

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shir sannnadeedka Golaha Qurbajoogta Puntland oo si habsami leh uga bilawday St. Paul / Minneapolis.

 

Minneapolis, Oct 10 - Waxaa caawa si habsami leh uga bilawday St. Paul / Minneapolis shir sannadeedka Golaha Qurbajoogta Puntland oo socon doona 3 casho.

 

Shir sannadeedka oo uu martigalinayo cutubka Minnesota ayaa caawa lagu furay casho ay ka qayb galeen 300 marti sharaf ah oo isugu dhafan wafti wasiiro ah oo ka socda dawlada Puntland, wufuud matalaysa cutubyada golaha ee US & Europe.

 

Barnaamijka shir sannanadeedka oo hal-ku-dhegiisu yahay 'Dib u dhiska Somaliya: tan Puntland' ayaa Sabtida iyo Axada guda geli doona doodo-cilmiyeedyo milicsan doona arrimo ay ka mid yihiin:

 

- Amniga Puntland, raadka burcad badeeda, iyo caqabadaha bii'adeed,

- Dawrka dumarka & dhallinta ee is-badel bulsheed,

- Hirgelinta nidaam caafimaad,

- Horumarinta dhaqan-dhaqaale,

- Somaliya maanta & dheefta nidaamka federaaliga ah,

- Hirgelinta tacaliin sare ee Puntland, iyo

- Khudabado ay jeedin doonaan wufuud kala duwani.

 

Dood cilmiyeedyada ayaa bilaaban doona Sabtida, lana gunaanadi doonaa Axadda.

 

Waxaa sidoo kale la dooran doonaa hoggaanka cusub ee Golaha Qurbajoogta Puntland ee caynaanta u hayn doona golaha 12-ka bilood ee soo socota.

 

Diiwaanka Wararka,

Idaacada Daljir.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this