Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Muuse Biixi ‘oo indhaha soo saaray’ askarta ku dhaawacantay dagaalka Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   
347560190_1531189487417241_6430147179982

Burco (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta waxa uu kormeer ku tegay Isbitaalka guud ee Burco iyo Isbitaalka ciidamada Somaliland, isaga oo u kuurgalay mid walba xaaladiisa caafimaad.

Muuse Biixi ayaa waxa uu mid mid u dul istaagay una gacan qaaday askarta ciidamada Somaliland ee ku soo dhaawacmay dagaaladii kala dambeeyey ee ka dhacay magaalada Laascaanood, wuxuuna ugu duceeyay in u Illaahay caafimaad deg-deg ah siiyo dhamaantood.

Madaxweynaha Somaliland ayaa ka dhawaajiyay in xukuumaddiisa ay u hurayso wax walba oo la xiriira daryeelkooda caafimaad, hal-yeyadii naftooda u huray difaaca dalka iyo dadka naxariistii janno Alle ka waraabiiyo, islamarkaana daryeelka qoysaskii geesiyaasha naftooda huray uu yahay waajib saaran Qaranka Somaliland.

Waxa u mahad-naqay dhamaan hawl-wadeenada bahda caafimaadka iyo dhakhaatiirtii u adeegaysay ciidamada dhaawaca ah, isaga oo ku dhiirigeliyey inay halkaa dedaalkooda ka sii wadaan kuna amaanan yihiin shaqada Qaranka.

“Wuxuu ku bogaadiyay sida fiican ee bahda caafimaadka oo ay hoggaaminayso wasaaradda horumarinta caafimaadku uga hawl-galeen gurmadkii caafimaad, iyaga oo si waddannimo ah uga shaqaynaayey Isbitaalada Oog, Caynaba, Burco iyo Hargaysa,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Sidoo kale madaxweynuhu waxa uu u duceeyey in Alle caafimaad sareecana siiyo dhammaan bukaanada guud ee xanuunada kala duwan u jiifa cusbitaalka guud ee Burco.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maalmihii dambe ku sugna magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, iyada oo la sheegay inuu qorsheynayo in halkaasi uga sii gudbo gobolka Sool, gaar ahaan saldhiga Goojacadde ee ku yaalla duleedka magaalada Laascaanood iyo taliska ciidamada Somaliland ee Oog, xilli uu gobolkaasi ka socdo dagaal u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC.

Xogaha aan helayno ayaa intaas kusii daraya in madaxweynaha Somaliland inta uu ku sugan yahay Burco uu ka shaqeynayo xal u helida shaqaaqo beeleed ka taagan deegaano ka tirsan gobolka Togdheer.

Si kastaba, Socdaalka madaxweyne Biixi ee ku wajahan magaalada Oog ee gobolka Sool oo ku dhow saldhiga Goojacadde, ayaa kusoo beegmaya xilli ay Somaliland maalinta berri ah xuseyso gooni isu-taageeda ee maalinta 18-ka May.

347641751_623084573035624_56779906876417 347106093_201907782687849_58042850155090 347105641_935014847552469_50296057286399 347107206_963979011459174_55924600800319 347580319_1325589938027209_3880629868090 347598634_546325007697767_63753083606437 347108543_603162301770489_64096228255163 347560190_1531189487417241_6430147179982 347568599_284854537304162_49671137109507 347545815_800421648325364_21009138256907 347648490_808864876953602_40566526693574 347549592_934527557599280_20396626733264

The post Sawirro: Muuse Biixi ‘oo indhaha soo saaray’ askarta ku dhaawacantay dagaalka Laascaanood appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this