Sign in to follow this  
Deeq A.

R/W Xamza oo amar culus dul dhigay agaasimeyaasha iyo maareeyeyaasha guud

Recommended Posts

Deeq A.   
347450161_690733379477555_80199709345302

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa waxa uu faray agaasimeyaasha iyo maareyeyaasha guud ee dowladda federaalka inay ka miro-dhaliyaan qaraarkii dhawaan kasoo baxay xukuumadda.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayey shirka agaasimeyaasha iyo maareeyeyaasha guud ayaa waxa uu intaas ku daray in xukuumaddiisa ay mudnaan gaar ah siineyso isla-xisaabtanka, xilli ay qaaday tallaabooyin la xiriira la-dagaalkan musuq-maasuqa.

Xukuumadda Dan-Qaran ee uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa dhawaan waxay soo saartay qaraar si cad u qeexayey ciribtirka musuqa, kaasi oo la yiraahdo “qaraarka adkaynta hufnaanta maamulka iyo maareynta maaliyadda dalka.”

Qaraarkan oo ka kooban illaa 8 qodob, ayaa waxa uu saldhiggiisu yahay maaraynta maaliyadda guud ee dalka, maaraynta dakhliga dalka, iibka iyo qandaraaska qaranka, maareynta hantida guud ee qaranka iyo maamulka iyo maaraynta shaqaalaha.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa sidoo kale maalmo kahor magacaabay guddiga soo-celinta, qiimeynta iyo ka talo-bixinta nidaaminta hantida qaranka ayaa durba wajahaysa mucaaradad xooggan.

Guddigan oo heer wasiir ah ayaa ka kooban siddeed xubnood, sidoo kale waxaa ku jira guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, waxayna magacaabistooda daba socota qaraar ay Khamiistii ay ansixiyeen xubnaha Golaha Wasiiradda Soomaaliya.

Waxaa loo xil-saaray tirakoobka hantida hay’adaha dowladda, soo celinta hantida qaranka ee sida sharci darrada ah loo haysto, qiimeynta xaaladaha ay ku sugan yihiin hantida qaran ee la tirakoobay iyo kasoo tala-bixinta nidaaminta hantida qaranka ee lasoo celiyay iyo sida ugu haboon ee loo adeegsanayo ugu adeegidda bulshada.

Waxay guddigan warbixin dhameystiran oo geeddi socodka soo celinta hantida qaranka u gudbin doonaan ra’iisul wasaaraha, sida lagu yiri wareegtada kasoo baxday xafiiska Xamza Cabdi Barre.

Si kastaba, Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan xirtay saraakiil dowladeed, oo la horgeeyay maxkamadda gobolka Banaadir, kuwaasi oo ciidamada booliska ay 20-kii April ee sanadkaan kasoo xireen garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Saraakiishan dowladeed ayaa waxaa loo haysta musuq-maasuq, been abuur, ku takri-fal awood dowladeed, waxayna hrodhac u yihiin shabakad ballaaran oo ku eedeysan xatooyada iyo lunsashada xoolaha dadweynaha, wuxuuna xarigooda qeyb ka yahay dagaalka ay dowladda kula jirto musuq-maasuqa.

Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale weli ku raadjooga shaqsiyaad kale oo ka tirsan shabakadaan ay qeybta ka ahaayeen saraakiishan u xiran dowladda, kuwaasi oo iyaguna la horgeyn doono cadaaladda.

347562291_635096951456492_63475953629759 347450161_690733379477555_80199709345302 347778998_193637980260949_29090099001116 347578238_6404535772937141_5493025714855 347403599_1231458387481041_4768660584947 347766842_163938603267310_12271767408283 347430256_228380109893739_44666428590306 347388957_1618065658619559_8374231563715 347415349_161379436902600_30584912903536 347407214_228134199942071_86183923342130 347430791_542127131462001_83715702679551

The post R/W Xamza oo amar culus dul dhigay agaasimeyaasha iyo maareeyeyaasha guud appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this