Sign in to follow this  
Deeq A.

Hargeisa: Dhaqdhaqaaqa Gadiidka ayaa la joojin doonaa 12:00 am

Recommended Posts

Deeq A.   

20230508_1201515-scaled.jpgDhaqdhaqaaqa Gadiidka ayaa la joojin doonaa 12:00 AM Amaanka Caasimadda ayaana kor loo Qaaday ..Sida uu Sheegay wasiirka Difaaca Somaliland…

Guddida Qaban qaabada 18-May oo uu Horkacayo Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Abdiqani Maxamuud Caateeye Fariid oo ah Gudoomiye ku-xigeenka Guddida Qabanqaabada munaasibada 18-May

Ayaa bulshada ugu baaqay inay si wayn isugu diyaariyaan Xuska maalinta Qaranimada Somaliland ee 18-May

Sidookale Wasiirku waxa uu u Mahadnaqay Dhamaan Ciidamada kala duwan ee Qaranka Somaliland.

Guddidu waxa ay Bulshada ku wargalisay in la joojindoono dhamaan dhaq-dhaqaaqyada gaadiidka Saacadu markay gaadho 12ka habeenimo.

Ugu danbayn Guddidu waxay bulshada reer Somaliland u rajaysay Bashbash iyo barwaaqo waarta inay kuxusaan Maalinta Qaranimada somaliland ee 18-May.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this