Sign in to follow this  
Deeq A.

Saraakiil Maraykan ah oo Nigeria lagu laayey

Recommended Posts

Deeq A.   

Booliska Nigeria ayaa sheegay in dabley hubaysan ay weerar kusoo qadeen kolonyo gaadiid ah oo Maraykanku leeyahay gudaha Nigeria, halkaas oo lagu dilay afar qof oo laba ka mid ah ay yihiin saraakiisha Maraykanka ee qunsuladdiisa Nigeria.

Saddex kale ayaa lagu afduubtay weerarka ka hor inta aan gaadiidkii ay wateen dab la qabadsiin.

weerarka ayaa ka dhacay koonfurta bari ee gobolka Anambra. Hawlgal lagusoo deynayo dadka la afduubtay ayaa socda.

Wax muwadiniin Maraykan caadi ah lama socon kolonyada xog dheeraad ahna lagama hayo oo ku aaddan joogitaanka kolonyada ee gobolka.

Booliska gobolka ee Nigeria ayaa qoomamo ka muujiyey in kolonyadu ay gobolka soo gashay “iyaga oo booliska iyo lamaha amaanku aysan ka war hayn”.

Maraykanka ayaa sheegay in ciidamadiisa hawl gallada ka wada Nigeria ay la shaqaynayaan laamaha amaanka eedalkaasi si loo baaro dhacdada.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this