General Duke Posted May 21, 2007 Muqdisho: Madaxweynaha Dowladda KMG oo la kulmay beesha.........., walow uusan ka soo qeybgelin Maxamed Qanyare. 20. Maj 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Madaxweynaha dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Md. Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa maanta kulan kula qaatay xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia waxgarad iyo siyaasiyiinta beesha ......... Kulankan oo looga hadlayey sidii beesha ugu qeyb qaadan laheyd nabad ku soo dabaalida caasimada dalka ee Muqdisho iyo sida beesha ay kaalin muuqato ugu qaadan karto xasilinta gobolka Banaadir. Wasiirka beeraha ee dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya C/qaadir Nuur Caraale oo kulankaasi ka qeybgalay ayaa sheegay in natiijo wax wanaagsan uu ka soo baxay kulanka. Kulankan ayaan waxaan ka soo qeybgelin Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax oo ka mid ah siyaasiyiinta ugu waaweyn beesha.........., lamana yaqaan sababta keentay inuu ka maqnaado kulanka ay beeshiisa la yeelatay Madaxweynaha. Kulamada uu Madaxweynaha la yeelanayo beelaha Soomaaliyeed ayaa ah kulamo maalmahan si isdaba joog ah ugu socda xarunta Villa Somalia, iyadoo beel walba oo Soomaaliyeed kala hadlayo sidii ay gacan ugu geysan laheyd nabad ku soo dabaalida magaalada Muqdisho iyo kaalinta looga baahan yahay beel walba. Cali Muxiyaddiin Cali Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted May 21, 2007 Madaxweyne C/llaahi oo maanta kulan la qaatay beelaha...... iyo ............ audio text Quote Share this post Link to post Share on other sites