Sign in to follow this  
General Duke

More Mogadishu clans meet HE President Yusuf

Recommended Posts

Muqdisho: Madaxweynaha Dowladda KMG oo la kulmay beesha.........., walow uusan ka soo qeybgelin Maxamed Qanyare.

 

20. Maj 2007

 

Muqdisho(AllPuntland)- Madaxweynaha dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Md. Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa maanta kulan kula qaatay xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia waxgarad iyo siyaasiyiinta beesha .........

 

Kulankan oo looga hadlayey sidii beesha ugu qeyb qaadan laheyd nabad ku soo dabaalida caasimada dalka ee Muqdisho iyo sida beesha ay kaalin muuqato ugu qaadan karto xasilinta gobolka Banaadir.

 

Wasiirka beeraha ee dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya C/qaadir Nuur Caraale oo kulankaasi ka qeybgalay ayaa sheegay in natiijo wax wanaagsan uu ka soo baxay kulanka.

 

Kulankan ayaan waxaan ka soo qeybgelin Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax oo ka mid ah siyaasiyiinta ugu waaweyn beesha.........., lamana yaqaan sababta keentay inuu ka maqnaado kulanka ay beeshiisa la yeelatay Madaxweynaha.

 

Kulamada uu Madaxweynaha la yeelanayo beelaha Soomaaliyeed ayaa ah kulamo maalmahan si isdaba joog ah ugu socda xarunta Villa Somalia, iyadoo beel walba oo Soomaaliyeed kala hadlayo sidii ay gacan ugu geysan laheyd nabad ku soo dabaalida magaalada Muqdisho iyo kaalinta looga baahan yahay beel walba.

 

Cali Muxiyaddiin Cali

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this