Sign in to follow this  
Deeq A.

Mas’uul Soomaali ah oo loo magacaabay agaasimaha guud ee hay’adda Sirdoonka Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   
01000000-0aff-0242-eb9f-08db562eee0b_w40

Madaxweynaha dowladda Kenya William Ruto ayaa mas’uul Soomaali ah u magacaabay agaasimaha guud ee hay’adda Sirdoonka dalkaas ee NIS.

Bayaan ka soo baxay madaxtooyada Kenya ayaa lagu sheegay in agaasimaha guud ee hay’adda Sirdoonka Kenya loo magacaabay Nuuradin Maxamed Yuusuf Xaaji.

Nuuradin Xaaji ayaa haddii Baarlamanku ansixiyo beddeli doona agaasimihii guud ee Sirdoonka Kenya Gen. Philip Kameru oo lagu wado in uu hawlgab noqdo.

Mr. Nuuradin Xaaji ayaa hore uga tirsanaa laanta dacwad soo oogaha guud ee dalka Kenya waxaana sida la sheegay uu muujiyay karti iyo hufnaan shaqo.

PUNTLAND POST

The post Mas’uul Soomaali ah oo loo magacaabay agaasimaha guud ee hay’adda Sirdoonka Kenya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this